Eden Hazard Oo Qirtay Inuu Dambi Kulahaa Shaqo Ka Ceyrintii Mourinho Ee Chelsea & Fariintii Uu Macalinkiisa U Diray Kadib Ceyrintiisa.

Eden Hazard oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay wargeyska laga leeyahay Belgium ayaa qirtay inuu dareemo sida inuu yahay dambiile gacan ka geystay shaqo ka ceyrintii Jose Mourinho ee dhacday dhamaadkii 2015.

Macalinka reer Portugal ayaa laga ceyriyay shaqada Stamford Bridge kadib markii ay kooxdiisa lumisay 9-ka mid ah 16-kii kulan ee ugu horreyay horyaalka Ingiriiska 2015/2016, wuxuuna kooxda ka tagay kaliya iyagoo dhibic u jira halka looga haro horyaalka.

Jose wuu ogsoonaa iney qiyaaneen ciyaartoydiisa, waxeyna wax walba dhaceen todoba bilood kadib markii uu horyaalkiisii saddexaad u qaaday kooxda, haatan Eden Hazard wuxuu ka dhawaajiyay inuu fariin u diray macalinkiisa markii shaqada laga ceyriyay.

Eden Hazard 2014/2015 wuxuu noqday xiddiga ugu fiican horyaalka, balse wuxuu hadda dareemay inuu isaga hoos u dhigay macalinkiisa.

“Waxaan u diray fariin aan ku leeyahay, waan ka xumahay, waxaana ahaa mid aad uga xun” ayuu yiri Eden oo la hadlayay wargeyska HLN.

“Waxaan si wadajir ah ugu raaxeysanay guulo, balse waqtigaan islama joogno”

“Waxaan inyar dareemaa inaan ahay dambiile sababtoo ah waxaan ahaa xiddiga sanadka, waxaan ka mid ahaa ciyaartoyda go’aamisa kulamada, balse waxaan hoos udhigay bandhigeyga”

Eden Hazard wuxuu ka hor imaan doonaa Jose Mourinho sabtida 20-ka October, markaas oo ay Stamford Bridge ku ciyaari doonaan kooxaha Chelsea & Man United kulan ka tirsan horyaalka.