Eden Hazard Oo Daaha Ka Qaaday Khibradiisa Ku Aadan Dabeecadda Jose Mourinho & Hadii Uu Mar Kale La Shaqeyn Doono.

Kabtanka qaranka Belgium [Eden Hazard] ayaa shaaca ka qaaday inuu mar kale la shaqeyn lahaa Jose Mourinho oo aan ilaa iyo hadda la hubin mustaqbalkiisa Old Trafford, sidoo kalana ay xurguf qarsoon soo dhexmartay waqtigoodii galbeedka London.

Eden wuxuu macalinkaan ka hoos ciyaaray intii u dhaxeysay 2013-2015, wuxuuna sabab u noqday in laga ceyriyo Stamford Bridge, si kastaba Jose wuxuu hantay hal horyaal iyo League Cup markii uu dib ugu soo laabtay Blues.

Eden Hazard wuxuu fasalkaas dhaliyay 14-gool oo horyaalka ah, sidoo kalana 10-caawinaad ah ayuu sameeyay taasoo ka dhigan inuu qeyb libaax leh ka qaatay guushii uu Mourinho ku gaaray kooxda Chelsea.

Hazard wuxuu banaanka soo dhigay inuu ka qoomameynayo sida ay xirfadlenimadooda ku kala dhamaatay, wuxuuna jeclaan lahaa inuu mar kale la shaqeeyo.

“Fasalkii ugu dambeeyay Mourinho ma aheyn mid farxad leh sinaba, ma aanan guuleysan, waxaan heysanay jadwal iska caadi ah, tababarka wuxuu ahaa mid aan madadaalo aheyn, waxey aheyd wax u fiican qeybaha oo dhan in lagu kala tago” ayuu yiri Hazard oo la hadlayay wargeyska HLN.

Xiddigaan wuxuu dadka dareensiiyay ineysan jirin qanacsanaan la’aan ciyaartoyda ah, balse wuxuu ka dhawaajiyay waqtigaan inuu la shaqeyn lahaa.

“Hadii aad hadda i weydiiso hal tababare oo aan la shaqeyn lahaa, waxaan ku dhihi laha: “Mourinho”

Dhanka kale xiddigaan wuxuu banaanka soo dhigay khibradda uu ka heysto dabeecadda Mourinho ee keenta mararka qaar iney ciyaartoyda ka caroodaan.

“Hadii ay natiijada noqoto mid xun, wuxuu bilaabaa inuu dhaleeceeyo ciyaartoydiisa, waad ogtahay taas, balse intaas kadib waxaan awooday inaan aqbalay taas, waana qeyb ka mid ah dabeecadiisa”

“Hadii aad guuleysato, Mourinho waa tababaraha ugu fiican sida aad qiyaaseyso, wuxuu noo yahay dhamaan saaxiibo, waxaad sameyn kartaa wax walba oo aad doonto, ma dooneysaa maalin fasax ah? Wuxuu ku siinayaa waliba laba maalin. Hadii ay wax walba noqdaan kuwa wanaagsan. Marka laga hadlo muuqaalkiisa guud ee daafaca ku dhisan maahan mid xun, Fikrad ahaan aad ayuu kaga fogyahay Pep Guardiola, balse sanadkii aan horyaalka qaadnay waxaan dhalinay goolal badan, sidoo kalana waxaan ciyaarnay kulamo fiican”

Ugu dambeyntii Eden Hazard wuxuu qiray inuu ka qoomameynayo waqti badan inuusan Mourinho kula shaqeynin Chelsea, sidoo kalana ay si xun ku kala tageen.