Eden Hazard 40 Gool Ayuu U Dhalin Karaa Chelsea Xilli Ciyaareedkan Haddii Uu Qaato Talada Tababare Maurizio Sarri

Tababare Maurizio Sarri ayaa u sheegay Eden Hazard inuu dhalin karo 40 gool xilli ciyaaeedkan laakiin waa haddii uusan marnaba cagta soo saarin qeybta garoonka ee kooxdiisa taasoo la micno ah inuu weerar kaliya ku ekaado.

Macalinka Chelsea ayaa wadahadal dhanka taatikada ah la galay xiddiga khadka dhexe ka hor kulankii ay shalay xasuuqeen kooxda Cardiff iyadoo Hazard uu dhaliyay seddexleydiisii ugu horeysay ee in ka baan afar sannadood islamarkaana uu Blues u dhiibay hogaanka horyaalka.

Tababare Sarri ayaana sheegay in Hazard uu yahay xiddiga ugu fiican Yurub iyadoo hadalkaas uu qeyb ka yahay dadaalka uu ku doonayo inuu xiddigaan lagu qiimeeyo 200 milyan ginni uu ku sii hayo kooxda.

Sarri ayaa yiri: “Waxaan maleynayay in Hazard uu ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican Yurub laakiin haatan taas waa ka laabtay oo isaga ayaaba ugu fiican.

“Waan u sheegay inuu dhalin karo 40 gool laakiin waa inuusan tamartiisa ku dhuminin meel ka fog goolka, waana inuu ku ciyaaro kaliya 25ka mitir ee ugu danbeeya ee weerarka.”

Xiddigaha Tottenham iyo Liverpool Harry Kane iyo Mohamed Salah ayaa labaduba dhaliyay in ka badan 40 gool xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Seddexleyda Hazard ayaa ka caawisay Sarri inuu ka mid ah afar tababare oo badiyay shantoodii kulan ee ugu horeysay Premier League waxaana la mid ah Pep Guardiola, Carlo Ancelotti iyo Craig Shakespeare.

Qaabka uu Sarri u la macaamilayo Hazard ayaa ah mi ka duwan sidii ay u la macaamilayeen Antonio Conte iyo Jose Mourinho kuwaasoo xidigaan ka dalbaday inuu kubada difaacdo.

Miyuu Eden Hazard dhalin karaa 40 gool xilli ciyaareedkan? Ka qeyb qaado codbixinta hoose islamakaana fekerkaaga hoos inoogu reeb

18 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Haa waa hubaal wuu dhalin karaa afartan gool ilaa konton gool hadii uu si buxda u joogteyo qaab ciyareedkiisa wanagsan kana faa,idaysto kubada weerarka ku dhisan ee murizio sarri kooxda ka hirgalinaayo

  2. Hazzard waxa uu noqon dona sida lionel Messi uu uyahay Barcelona waa hadii uu qato talada khabiirka SARRI iyo falsafada cusub ee macalinka ree Italia.
    Waxa ay Chelsea noqon dontaa Barcelona da England..

  3. Haa wuu dhalin karaa lakiin waa haduu raaco talada macalinkiisa zaari uunan ku mashquulin in kubada xawara sare lala soo maro uuna meshaas tamarta ugu dhamaato tusaale ahaan haduu kubada dhexda kasoo maamula oo disho otaha lasoo galo wuxuu ku qasbananaa in uu kubadaas caawiye hadii lahelo werar yahan dhameystira sida libaxii hore libax labo mahan dedier drogba hazard markaan waa in uu badalaa labadaan qof oo Maskaxda naga qabsatay misse iyo cr7 midaasna wuxuu ku noqon karaa chelsea ciyaartoydooda in ay garab siyaan aminaan iyo uu hazard guul gaarsiin kara

  4. Asc horta dhaman asxabtaa pagkaa waan nisosalamaaaya dhaamaantiin aniko hortaaa waxagaalaa magaladha Djibouti gar ahaan hafadha woydhetaa balbala haadii intaa gagodboo aragtiidhaa dhaa run ahaantii E’hazard waa dhaalin garah hadhi oo gubadha kulay sameyoo 40 iin gabadhan ayoo dhaliin garay ok macay salamadhaa meel gastoo joogtiin salan ayaa hawadha niso marin nayaa dhaam asxabtaa pag haaay

  5. Haa wuu dhalinkaraa hadii macalinku siiwado falsafadiisa.
    Hadii uu badiyo shoot booska 10 uu suugalo.

  6. hazard wuu dhalin kara 40 goal iyo in ka badanba wa haduu uu ku dadaalo in uu kubdaha shoot ama uu laago waaayo hazard inta badan kubada ma shuudo ama ma laago wana tan kaliya ee ka dhiman kubadiisa

  7. dacn wada daalki haduu kudro mideda kle dhaman wada shqeyn waxena lamacna athy herka mant joogto iyo mid kadheeri ah qaas ahn 2waha shaqadisa wayar tahy marka timado kubada weerka ah guusha hasiisocoto

  8. Waa hadii uu wax dhawac ah soo gaadhin waayo tobabaraha iminku waa nin weerar jecel ciyaartoyinkan Ku dhiiri kaliya qabka kubad isku dhibka anigu ma tageero chalse

Comments are closed.