Dries Mertens Oo Kashifay Sababta Ay Xidigaha Qaranka Belgium Ugu Qoslaan Habka Xakameynta Kubadda Ee Lukaku – Waase Kee Kan Ugu Farsamada Fiican?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, May 17, 2018

Weeraryahanka Napoli Dries Mertens ayaa kashifay in ciyaartoyda qaranka Belgium ay ku qoslaan habka xakameynta (Koontoroolka) ee Romelu Lukaku isagoo qiray iney tahay waxa ugu horeeyo oo uu sameeyo markuu soo xaadiro tababarka.

Dries Mertens ayaa wax laga weydiiyay arimaha ku saabsan saaxiibadiisa qaranka xilli ay u diyaar garoobayaan dhacdada koobka Aduunka ee lagu qaban doono Russia bisha soo aadan.

Belgium waxey ku group yahiin England, waxeyna rajeynayaa iney wareega 16-ka ugu gudbaan si fudud iyagoo wata ciyaartoy aan caadi aheyn oo si weyn looga ixtiraamo qaaradda yurub.

Mertens oo ka mid ah xidigaha ugu farsamada fiican xulka qaranka ayaa inyar soo banaan bixiyay sirta saaxiibkiisa Romelu Lukaku kaas oo 75 Malyan oo Pound ugu fadhiya kooxda Manchester United.

“Hormar badan ayuu sameeyay” ayuu yiri Mertens isagoo la hadlayay RTBF.”Balse ciyaartoyda wey ku qoslaan habkiisa xakameynta, balse waa wiil kaas oo kadib tababarka qaata 20-kubadood si uu tababarka u wado, waana ku xushmeeyaa arintaas wax badan”

Dhanka kale Mertens waxaa la weydiiyay ciyaariyahanka ugu farsamada fiican xulka Belgium, wuxuuna doortay Jan Vertonghen isagoo carabka ku dhuftay iney qof walba maankeeda uu kusoo dhacaayo Eden Hazard.

“Qof walba wuxuu ka fakarayaa Eden Hazard, balse aniga waxaan dooran lahaa Jan Vertonghen waa xidig aad u farsamo badan, waa shaqsi dheer hadana ka ciyaara daafaca dhexe”

200 Shares

4 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. mohamed omar 17-05-2018 at 7:27 pm -

    Hazard wax ka farsamo fican horaba loo waa

  2. khader 17-05-2018 at 4:18 pm -

    lukaku wxa u noogu fadhiya lacag qali ah…
    balse kubad kontrolkisa way hoseysa…..
    Lkin odhahda vertoghan kuma tagersani…..

  3. hanad abdillahi abukar 17-05-2018 at 3:42 pm -

    Waaan laqawaa rayigiisa ku aadan jer vertoghan in uu yahay xidiga ugu farsamada badan xulka bulgium

  4. hagafaa 17-05-2018 at 3:02 pm -

    lukaku caadi maahn