Dortmund, Barcelona, Manchester United & Tobanka Kooxood Oo Ay Garoomadooda Soo Xaadireen Taagerayaasha Ugu Badan Xili Ciyaareedkaan

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Nov 29, 2016

Jariiradda Portugal laga leeyahay ee maalin walba la daalacdo A BOLA ayaa sameysay xog aruurin baahsan oo ku saabsan kooxaha leh garoomada ay soo xaadireen Jamaahiirta ugu badan xili ciyaareedkaan, balse layaabka ugu badan ayaa noqday in garoomada kooxaha talyaaniga ay kasoo muuqan waayeen liiskaan.

Labada Kooxood oo Barcelona Iyo Real Madrid ayaa kasoo muuqday shanta ugu sareysa, balse kooxda Borrusia Dortmund ayaa noqotay kooxda ugu badan oo ay Jamaahiirteeda soo xaadiraan garoonka Signal Iduna Park waxaana isku cel-celis soo xaadirayay 80,977 (Sideetan Kun, Sagaal Boqol Todobaadan Iyo Todoba taageere).

camp-nou

Barcelona oo booska labaad soo cariirsatay waxaa Camp Nou isku cel-celis soo xaadiray 79,532, halka koxoda booska sadexaad ay noqotay Manchester United oo ay garoonkeeda Old Trafford soo xaadireen 75,282.

Dhanka kale kooxda Portugal ka dhisan ee Benfica taasoo ah kooxda difaacaneysa horyaalka ayaa kasoo muuqatay liiskaan waxeyna soo tiigsatay (8-aad).

Südtribüne, la espectacular grada del estadio del Borussia Dortmund

Kama marna meesha kooxaha Horyaalka Ingiriiska waxaana liiskaan ugu jira si la mid ah Manchester United kooxaha kale ee Arsenal Iyo Manchester City balse kama soo muuqan labada kooxood ee ugu sareeya horyaalka Chelsea Iyo Liverpool.

Waa Kuwaan Liiska 10-ka Kooxood:

1: Borussia Dortmund (80 977 spectators)

2: FC Barcelona (79 532)

3: Manchester United (75 282)

4: Bayern Munich (75 000)

5: Real Madrid (69 736)

6: Schalke 04 (60 790)

7: Arsenal (60 004)

8: Benfica (55 174)

9: Manchester City (54 041)

10: Hamburg (54 100).

Like it? Share it!

Leave A Response