Difaaca Liverpool & Croatia Ee Dejan Lovren Oo Kadib Guushii England Saxaafada Ka Hor Sheegay Hadalo Muran Dhaliyay.

Difaaca dhexe ee xulka qaranka Croatia iyo kooxda Liverpool ee Dejan Lovern ayaa eedayn badan la soo kulmay bilawgii xili ciyaareedkii la soo dhaafay laakiin markii ay Liverpool la soo saxiixatay Virgil van Dijk bishii January ee horaantii sanadkan waxa uu isku badalay mid bandhig fiican sameeyay isla markaana kooxdiisa ka caawiyay in ay finalkii UEFA Champions League soo gaadhay.

Laakiin dhawr bilood kadib Dejan Lovern ayaa nasiib u yeeshay in uu markale xulka qarankiisa Croatia uu la soo gaadhay finalka koobka aduunka isaga oo waliba door muuqda ka soo ciyaaray in Croatia ay markii ugu horaysay soo gaadhay finalka koobka aduunka wuxuuna kulankii England ka mid ahaa difaacyadii aamusiiyay Harry Kane iyo weerarka Three Lions.

Laakiin markii uu soo dhamaaday kulankii England iyo Croatia waxa uu Dejan Lovern waraysi muuqaal ah siiyay BeIN Sports wuxuuna sheegay hadalo ay jamaahiirta kubbada cagtu dood badan ka keeneen isaga oo ku dooday in la soo gaadhay waqtigii ay dadku u aqoonsan lahaayeen in uu yahay mid ka mid ah difaacyada aduunka ugu fiican.

Sidoo kale Dejan Lovern ayaa sheegay in haddii xulka qarankiisa Croatia uu ku guulaysto koobka aduunka in markaas oo uu saaxiibkiisa xulka Croatia ee Luka Modric uu ku guulaysato abaal marinta Ballon D’Or maadaama oo uu bandhig cajiib ah ka soo sameeyay intii uu koobka aduunku socday.

Laakiin dooda ugu wayn ayaa ka dhalatay hadalka uu Lovern ku sheegay in hadda wixii ka danbeeya  ay dadka waajib ku tahay in ay isaga u aqoonsadaan mid ka mid ah difaacyada aduunka ugu fiican oo ay joojiyaan hadalada bilaa micnaha ah ee ay isaga ka sheegaan.

Aan marka hore soo qaadano hadalka muranka ka dhex abuuray jamaahiirta ee uu Lovern yidhi: ” Aniga aragtidayda waxay dadku sheegaan in aan soo qaatay xili ciyaareed adag, anigu taas kuma raacsani. Waxaan Liverpool u qaaday finalka Champions League isla markaana waxaan ahdda kooxdayda qaranka la joogaa finalka(koobka aduunka)”.

Wuxuuna Lovern hadalkiisa qaybta ugu dooda badan ku yidhi: “Anigu waxaan filayaa in dadka ay waajib ku tahay in ay aqoonsadaan in aan sidoo kale ahay mid ka mid ah difaacyada aduunka ugu fiican oo ay joojiyaan bilaa micanaha ay ka hadlaan”.

Laakiin qaar ka mid ah jamaahiirta hadalka Lovern aan ku qancin ayaa sheegay in xataa aanu ka mid ahayn 20 ka difaac ee Premier League oo kaliiya ugu fiican iska dhaaf aduunka oo dhane laakiin kuwo kale ayaa Lovern digniin ugu sii jeediyay dhibaatada uu kala kulmi doono Mbappe marka ay France iska horyimaadaan.

Haddaba halkan si buuxda uga daawo waxyaabihii uu Dejan Lovern kaga hadlay waraysiga muuqaalka ah ee uu siiyay BeIN Sports:

Sida aad muuqaalka ka daawan karto Dejan Lovern ayaa muujiyay sida dadka wadankiisu farxad ula ooyahaan laakiin waxa uu rajo fiican ka muujiyay in kulanka axada ee finalka France ay samayn karaan taariikh ka fiican in ay markii ugu horaysay soo gaadheen finalka koobka aduunka.