Diego Simeone Oo Ku Hungoobay Racfaankii Uu Ka Qaatay Ganaaxa Ka Saaran Kulanka Caawa Ee Finalka Europa League

by Saed Balaleti | Wednesday, May 16, 2018

Maxkamada sarre ee isboortiga ee CAS ayaa u sheegtay Atletico Madid in tababare Diego Simeone inuu ku qasban yahay inuu taribuunka ka soo daawado kulanka caawa ee finalka Europa League ee u dhaxeeya kooxda Madrid ka dhisan iyo kooxda Faransiiska ee Marseille.

Atletico Madrid ayaa racfaan ka qaadatay ganaax afar kulan ah oo la duldhigay Simeone taasoo keeneysa inuu seego kulanka caawa ee finalka Europa League.

Kooxda reer Spain ayaa xitaa codsatay in ganaaxa la hakiyo haddii aan wax go’aan rasmi ah la gaari karin ka hor kulanka finalka ee caawa, laakiin maxkamada CAS ee fadhigeedu yahay Switzerland ayaa la safatay UEFA.

Waxaana ay taasi keeni doontaa in caawiyaha Simeone, German Burgos inuu hogaamin doono Atletico Madrid kulanka caawa ee Stade de Lyon.

SHAXDA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:

Marseille: Mandanda; Sakai, Rami, Luiz Gustavo, Amavi; Anguissa, Sanson; Thauvin, Payet, Ocampos; Germain

Atlético: Oblak; Vrsaljko, Giménez, Godín, Lucas; Koke, Saúl Ñíguez, Gabi, Correa; Griezmann, Costa

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Kulankaan waa midkii ugu horeeyay ee tartamada yurub ku dhexmara Marseille iyo Atletico Madrid tan iyo 2008/09, markaas oo ay kooxda reer Spain guul iyo barbaroka qaadatay dhigeeda laba kulan oo ka tirsan wareega group-yada Champions League.

Marsielle ayaa u tartameysa markeedii sadexaad finalka tartanka UEFA Cup/Europa League, halka ay raadineyso guusheedii ugu horreysay, Parma ayaa ka qaaday 1998/99 halka ay Valencia ka qaaday 2003/04.

Les Olympiens waxey rajeyneysaa iney noqoto kooxdii ugu horreysay ee reer France taaoso tartan weyn oo yurub ah ku guuleysatay tan iyo 1995/96 markaas oo ay PSG ku guuleysatay Cup Winner’s Cup.

Xaqiiqdii kulankaan waa markii ugu horreysay oo ay laba kooxood oo Spain & France kasoo kala jeeda isugu yimaadaan finalka tartamada yurub tan iyo 2003/04 markaas oo ay Valencia tartanka hanatay.