Diego Costa Oo Iska Duubay Muuqaal Isagoo Ku Caweynaya Maaliyada Atletico Madrid Islamarkaana Ku Maadeysanaya Antonio Conte

by Saed Balaleti | Monday, Jul 17, 2017

Weeraryahan Diego Costa ayaa ka dhigay mustaqbalkiisa Chelsea mid kala daadsan ka dib markii uu iska duubay muuqaal isagoo ku caweynaya maaliyada Atletico Madrid islamarkaana ku maadeysanaya tababare Antonio Conte.

Weeraryahanka Spain ayaa la arkay isagoo qoob ciyaaraya islamarkaana xiran maaliyada Atletico Madrid, waxaana muuqaalka uu si toos ah u soo dhigay Instagram.

Costa ayaa sidoo kale u muuqday mid u jawaabaya Cesc Fabregas oo xaflada la joogay.

Fabregas ayaa ku qoslayay habdhaqanka Costa ka hor inta uusan weeraryahanka ku jawaabin: “Bax oo hab sii Conte”

Costa ayaa weli fasax ku jooga magaalada Lagarto ee dalka Brazil laakiin waxa uu fariin ka helay mar sii horeysay xagaagan tababare Antonio Conte oo loogu sheegay inuusan mustaqbal ku laheyn Stamford Bridge.

28 jirkaan ayaa diiday inuu u wareego horyaalka Shiinaha, waxaana uu u muuqdaa mid kaliya doonaya inuu ku laabto kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Atletico Madrid Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan

 

Ciyaaryahanka ayaa la sheegay inuu yiri “Aupa Atleti” intii muuqaalka iska duubayay isagoo taageero u muujiyay kooxdiisa hore.

Muuqaalka waxa uu soo bandhigayaa Costa oo xiran maaliyadiisii hore ee Atletico ee uu xirtay xilli ciyaareedkiisii ugu danbeeyay ee kooxda.

Haddii Costa uu ku laabto Atletico Madrid ma aawoodi doono inuu u ciyaaro kooxda ilaa iyo bisha Janaayo.

Kooxda ka dhisan horyaalka La Liga waxaa haatan saaran xayiraad suuqa kala iibsiga ah oo ka celineysa inay ciyaartoy cusub la wareegaan ilaa iyo 2018.

In muddo gaaban ay amaah ku sii fasaxaan ayaa sidoo kale la soo hadal qaaday.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments