“Dhibic Wax Noo Ma Tarto,” – Ramos Oo Ka Xun Natiijadii Xalay Ayaa Sidii Ay Wax U Dheceen Kulanka Kaddib Ka Warramay

Kaddib markii ay Real Madrid barbar dhac garoonka San Mames kula gashay Athletic Club, kabtan Ramos waxa uu banaanka soo dhigay caradiisa ku aadan natiijada.

Barbar dhac ay gashay Los Blancos waxa ay ka dhigan tahay in ay hadda laba dhibcood ka dambeeyaan Barcelona oo ka badisay Real Sociedad.

“Waan ogeyn in uu ahaa mid ka mida garoomada ugu adag,” ayuu Ramos kulanka kaddib yari.

“Qeytii hore dhibaato isku xirnaanta ah ayaa na haysatay, laakiin qeybtii dambe waan ogeyn  in aan horumar sameyn doonno si aan natiijo u helno.

“Barbar dhaca marnama ma fiicna, marka aad dhib un ku darsato halkii aad saddex heli lahayd.”

Casemiro oo garoonka ka maqnaa qeybtii hore, Ramos waxaa wax laga weydiiyey bur burinta Kroos.

“Su’aashaas tababaraha ayaa leh, anaga waxaa nagala raaa in shaqadeena ku ekaano oo aan bixinno waxa ugu badan,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Ramos sidoo kale waxa uu qiray halis xiriir ah oo ay Athletic ku haysan in ay nasashada u diiday Real.

“Qaab aad isugu dhaw ayey isu difaacayeen weyna adkaayeen,” ayuu yiri.

“Cadaadiska joogto ayuu ahaa laakiin wey noo suurtagashay in aan xamilno qeybtii dambe.”

8 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. KKK Real socida iyo Atletico bilbow yaa xooga her ma LA iska warsaday Barcelona kulan adag ma ciyaarin aya afka lala taagay

  2. Dhib malahan horyaalka wali koox walbo wuu ufuranyahay isha allaah kulamada kale waan badin doonaa barceliba wali kulumo adag macayaarin real guul

  3. real mesha waxbo kuma heyso waqtigooda wuu soo dhamaaday fcbarcelona ayadaa iska leh cup la liga tageerayaasha kuu raaxeysta bashaal wacan

  4. Sidii sanadkii hore baanu isu ognahey
    Gacmo maranbaad kalciyaaredkan lanoqoneysiin

Comments are closed.