Dhaawacii Dhaxalka Lagu Helay: Marcos Llorente Oo Ka Dhaawacmay Garabka Bidix Waana Mid La Mid Ah Dhaawacii Aabahiis Soo Gaaray 29-sano Ka Hor.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Jan 12, 2018

Da’yarka Real Madrid Marcos Llorente ayaa dhaawac dhanka garabka ah uu soo gaaray kulankii ay kooxdiisa 2-2 la gashay Numancia, balse qof walba wuxuu dhaawacaas xasuusiyay 29-sano ka hor dhacdo ka dhacay isla garoonka waibana dhibaatada ay tahay mid la mid ah.

Garabka bidix ayaa dhaawac uu kasoo gaaray Marcos Llorente isagoo ku ciyaaraya Estadio Santiago Bernabeu, balse aabahiis Paco Llorente ayaa sidaan oo kale ay ku dhacday waqti hore walibana ka dhaawacmay garabka bidix.

Marcos Llorente wuxuu ku guuldareystay inuu kubad ka helo dhigiisa sidaas darteed ayuu dhulka ugu soo dhacay, waxaana ka dhashay inuu kala baxo garabka, waana xanuun la mid ah midkii aabahii kulan uu ka hor jeeday Milan 1989.

Lama oga dhaawaca soo gaaray dhibtiisa inta ay la egtahay iyadoo kooxda ay warbixin caafimaad kasoo saari doonto, walow uu dhameystay kulanka isagoo xanuun dareemaya hadana shabakadda Marca waxey sheegtay in loo geeyay Dr. De la Morena.

Paco Llorente wuxuu dhaawaca soo gaaray daqiiqadii 65-aad isagoo ka maqnaa garoonka 11-daqiiqo, Milan waxey raadineysay iney ilaashato guushii ay soo gaartay lugta hore markaas oo ay 2-0 kusoo adkaadeen.

Waxyar kadib markii uu garoonka kusoo laabtay Real Madrid waxaa casaan laga siiyay Sanchis, waxey noqdeen 10-xidig iyo Paco oo xanuun ka dareemaya garabka, balse kaliya Madrid waxey ku badisay 1-0 – Emilio Butragueno ayeyna kaga mahad celinayaan.

Paco wuxuu garoomada ka maqnaa toban bilood, balse lama filayo in Marcos uu garoomada ka maqnaan doono wax badan, balse waa sawiro xusuus leh iyo dhacdooyin dib usoo laabtay.


Hal Garoon, Wiil & Aabahiis, Hal Koox  & Dhaawacyo isku mid ah – Marcos & Paco