RASMI: Xidhiidhka Kubbada Cagta Ingiriiska Ee FA-ga Oo Shaqada Xulka Tababaranimo Ee England Si Rasmi Ah Ugu Magacaabay Gareth Southgate

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Nov 30, 2016

Gareth Southgate ayaa si rasmi ah loogu magacaabay tababraaha xulka qaranka England kadib markii uu si ku meel gaadh ah u hayay tan iyo markii Sam Allardyce shaqada laga caydhiyay. Gareth Southgate ayaa xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ku qanciyay qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu Three Lions ka sameeyay muddadii uu xilkan sida ku meel gaadhka ah u yahay wuxuuna FA-gu go’aan ku gaadhay in Southgate uu muddo afar sano ah uu hayo xilka tababarnimo ee xulka qaranka England.

Southgate said he is 'extremely proud' to land the job having enjoyed working with the players

Boodhka xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ayaa maanta shir ka yeeshay magacaabida Gateth Southgate kadib markii ay todobaad ka hor ka qaadeen waraysiga shaqadan oo uu muddo saddex saacadood ah ku jiray waxayna ugu danbayn si rasmi ah ugu dhawaaqeen in Gareth Southgate uu ahaan doono tababaraha rasmiga ah ee Three Lions.

The 46-year-old has been in interim charge since replacing Sam Allardyce in September

Gareth Southgate ayaa xilka tababaranimo ee xulka qaranka England si ku meel gaadh ah loogu dhiibay bishii September markii Allardyce uu ceeb musuq maasuq ku waayay shaqadan oo uu 67 maalmood oo kaliya hayay. Wuxuuna muujiyay awooda uu u leeyahay in uu shaqadan si rasmi ah ula wareegi karo.

Markii uu saxiixay heshiiska afarta sanadood ah ayuu Gareth Southgate farxad wayn ka muujiyay shaqada loo magacaabay wuxuuna yidhi: “Aad ayaan ugu hanwaynahay in aniga la ii magacaabay tababaraha xulka qaranka Englnad. si kastaba ha ahaatee,waxaan sidoo kale ka warqabaa in shaqada oo la helaa ay hal shay tahay , hadda waxaan doonayaa in aan shaqada u qabto si guul ah”.

Steve Holland (right) watches Jamie Vardy train at England's training base in November

Southgate oo ka hadlaya  la shaqaynta ciyaartoyda xulka qarankiisa ayaa yidhi: “Anigu waxaan ku soo raaxaystay la shaqaynta ciyaartoyda afartii kulan ee aan soo dhaafnay, waxaanan filayaa in ay jirto awood badani, waxaa iga go’an in aan bixiyo wax kasta oo aaan kooxda wadanka siin karo waxaanan u hanwaynahay in aan daawado iyaga oo ciyaaraya oo horumaraya”.

Like it? Share it!

Leave A Response