DEG-DEG: Tababare Maurizio Sarri Oo Qalinka Ku Duugay Heshiiska Uu Ku Noqday Badalka Antonio Conte Iyo Halyaygii Blues Ee Gianfranco Zola Oo Caawiye U Noqonaya.

Maamulka kooxda Chelsea ayaa maalmihii ugu danbeeyay si wayn ugu mashquulsanaa shaqo ka caydhintii Antinio Conte iyo waliba soo xero galinta tababare Maurizio Sarri waxayna hore isku dhaafisay shaqo ka caydhintii Conte halka ay hadda heshiis ka saxiixatay macalinkii hore kooxda Napoli ee Maurizio Sarri kaas oo si toos ah ula wareegaya shaqada uu Conte ka baxay.

Wariyaha caanka ah ee dalka Talyaaniga ee Gianluca Di Marzio ayaa hadda bartiisa twitterka ku soo qaray in tababare Maurizio Sarri uu qalinka ku duugay heshiiska uu ku noqonayo macalinka cusub ee Chelsea laakiin sidoo kale Sky Italiya ayaa isna baahiyay in Sarri uu saxiixay heshiiska uu kula wareegayo Blues.

HALKAN KA DHAGEYSO QAABKA UU CHELSEA UGU BIIRAY

Waxa kale oo ay wararku xaqiijiyeen in halyaygii hore ee kooxda Chelsea ee Gianfranco Zola uu noqonayo caawiyaah Sarri iyada oo hadda a ka hadhsan tahay kaliya in maamulka Chelsea ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan heshiisa uu Sarri uu qalinka ku duugay.

Maurizio Sarri ayaa haddaba noqday macalinka cusub ee Chelsea waxayna hadda Stamford Bridge heshiiska kooxda Chelsea ku wada saxiixeen Gianfranco Zola oo isna dib ugu soo laabanaya kooxdii uu halyayga ka soo noqday ee Blues.

Tababare Maurizio Sarri oo falsafad ciyaareed oo aad u saraysa leh ayaa Antonio Conte ka dhaxli doona koox ciyaartoy muhiim ahi ku jiraan laakiin waxaa horyaala hawlo adag oo ay ka mid tahay sidii uu Stamford Bridge ugu sii hayn lahaa Eden Hazard, N’Golo Kante iyo waliba Willian oo lala xidhiidhinayo kooxaha ree Spain.

Barcelona ayaa wada doonaysa Willian, Kante iyo Hazard halka Real Madrid ay bartilmaameedka kowaad ka dhigatay Eden Hazard kaas  oo aan qarsan in uu ka bixi karo Blues haddii ayna saxiixyo muhiim ah samayn ka hor xili ciyaareedka cusub.

Hadda waxaa la sugaya waqtiga ay Chelsea si rasmi ah ugu dhawaaqayso in Maurizio Sarri ay kooxdeeda u magacaabeen laakiin sida haddaba la ogyahay Sarri waxa uu waqti dhaw ka hor uu Stamoford Bridge ku saxiixay heshiiska uu kooxda kowaad ee Blues kula wareegay.