DEG-DEG: Tababaraha Man United Jose Mourinho Oo Lagu Soo Eedeeyay Canshuur Lunsi Waqtigiisii Real Madrid.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Jun 20, 2017

Tababare Jose Mourinho ayaa lagu soo eedeeyay inuu musuq-maasuqay lacago canshuur ah sida ay ka dhawaajiyeen xeer ilaaliyayaasha dalka Spain.

Red Devils macalinkeeda waxaa lagu wadaa baaritaan lagu xaqiijinayo inuu lunsaday canshuurta waqtigii uu ku sugnaa Real Madrid.

Eedeynta waxey sheegeysaa in macalinkaan reer Portugal uu canshuur lunsi sameeyay sanadahii 2011 iyo 2012, waxaana lagu sheegay iney canshuurtaas dhan tahay aduun dhan 3.3 Malyan oo Euro oo u dhiganta 2.91 Malyan oo Pound.

Wixii warar ah ee kusoo kordha halkaan kala soco.