RASMI: Real Madrid Oo Warbixin Caafimaad Ka Soo Saartay Qaliinkii Uu Gareth Bale Ku Maray Magaalada London Ku Maray Iyo Qaaliinkiisa Oo Noqday Mid Lagu Guulaystay

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Nov 29, 2016

Kooxda Real Madrid ayaa warbixin caafimaad ka soo saartay qaliinkii uu Gareth Bale ku maray magaalada London ee dalka England kaas oo uu fuliyay Dr. James Calder. Sidii qorshaysnayd Gareth Bale ayaa gaadhay London si uu u maro qaliin canqawga looga sameeyay kadib markii uu dhaawac ku soo gaadhay kulankii Sporting CP ee Champions Leaque-ga.

Sporting de Portugal - Real Madrid

Real Madrid ayaa shaacisay in qaliinkii Gareth Bale loogu sameeyay London’s King Edward VII Hospital uu noqday mid guulaystay. Waxaana sida Real Madrid ay xaqiijisay qaliinkan dusha kala socoday dhakhaatiirta waaxda caafimaadka Real Madrid ee Dr. Mikel Aramberri iyo Dr. Jesús Olmo.bale

Warbixinta rasmiga ah ee ay Real Madrid ka soo saartay qaliinka Gareth Bale lagu sameeyay ayaa lagu yidhi: “Ciyaartoygeena Gareth Bale waxa uu si guulaysatay uga soo baxay qaliinkii uu maanta maray kadib markii uu canqawga lugtiisa midig dhawac ka soo gaadhay.Waxaa qaliinka lagu sameeyay London’s King Edward VII Hospital, waxaana fuliyay Dr. James Calder iyo Dr. Mikel Aramberri oo ka tirsan xarunta Sanitas ee Real Madrid waxaana dusha kala socday madax waaxda caafimaadka Real Madrid ee  Dr. Jesús Olmo”.bale11

Gareth Bale ayaa la filayaa in uu muddo dhawr bilood ah garoomada ka maqnaan doono laakiin Real Madrid ayaan warbixinteeda caafimaad ku sheegin muddada uu garoomada xidiga ree Wales ka maqnaan doono.

Like it? Share it!

Leave A Response