DEG-DEG: Real Madrid Oo Ku Dhawaaqday Macalinka Shaqada Ka Badalaya Zinedine Zidane & Xilliga Uu Shaqada La Wareegi Doono.

Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in tababaraha xulka Spain ee hada Julen Lopetegui uu noqon doono tababaraha xiga ee Real Madrid kaas oo buuxin doona booska uu ka baxay tababarahii reer France Zinedine Zidane.

Zinedine Zidane oo noqday macalinkii ugu horreeyay ee saddex jeer oo xiriir ah hanta koobka UEFA Champions League tan iyo markii magacaas loo bixiyay horaantii sagaashamaadkii ayaa afar maalmood kadib hanashadiisii koobka sadexaad ku dhawaaqay inuu isaga baxay garoonka Santiago Bernabeu.

Si kastaba maamulka Madrid ayaa gaaray go’aan geesinimo leh maadaama ay qaranka u gacan galiyeen Julen Lopetegui oo hadda maamulaya qaranka Spain, sidoo kalana raja ka qaba inuu koobka kasoo dajiyo caasimadda 8-sano kadib.

51-jirkaan ayaa qabtay shaqada qaranka La Roja la wareegay kadib markii ay kusoo fashilmeen koobkii Euro 2016 isagoo talada kala wareegay macalinkii hore Real Madrid Vincent del Bosque.

Julen Lopetegui wuxuu kasoo baxay akadeemiga kooxda Real Sociedad ka hor inta uusan ku biirin kooxda yaryar ee Madrid Castilla sanadkii 1985, muddo saddex sano ah ayuu ka tirsanaa kooxda Madrid ee waaweyn intii u haxeysay 1988-1991.

Mar kale ayuu Barcelona u ciyaaray intii u dhaxeysay 1994 ilaa 1997, taasoo ka dhigan inuu ka mid yahay shaqsiyaadka labada koox ee Spain ugu quwadda weyn u ciyaaray.

Dhanka maamulkiisa wuxuu soo maamulay heer walba oo qaranka Spain ah dhanka dhalinyarada, sidoo kale Rayo Vallecano iyo FC Porto ayuu soo maamulay ka hor inta aan loo dhiibi La Roja 2016.


Real Madrid ayaa twitter-keeda ku xaqiijisay iyadoo adeegsaneysa luqadda Spanish-ka oo ah tan ugu horreysa oo ay wax ku xaqiijiyaan.

“Ku Dhawaaqid ramsi ah – Julen Lopetegui ayaa noqon doona tababaraha Real Madrid kadib koobka Aduunka 2018” ayaana lagu qoray twitter-ka Madrid.