DEG-DEG: Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Goolhayaha Bayern Munich Manuel Neuer Oo La Shaaciyay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Apr 19, 2017

Bayern Munich ayaa xaqiijisay iney adeegga goolhayaha qaranka jarmalka Manuel Neuer weyn doonto inta ka dhiman xili ciyaareedkaan sida uu xaqiijiyay Karl-Heinz Rummenigge.

Goolhayahii hore Schalke 04 ayaa ka jabay cagta sida warbixinta lagu sheegay xilli uu dagaal ugu jiray inuu badbaadiyo goolkii sadexaad ee Cristiano Ronaldo markaas oo uu fool ka fool u wajahay Marcelo.

Bayern goor hore oo saakay ah ayey ku dhawaaqday in xidigaan xaaladiisa ay ka warbixin doonaan, balse 31-jirkaan waxaa la xaqiijiyay inuu maqnaan doono muddo 8-bilood ah.

“Neuer waxaa soo gaaray dhaawac qatar ah” Ayuu yiri gudoomiyaha kooxda Bayern Munich.

“Wuxuu garoomada ka maqnaan doonaa muddo 8 bilood ah”

Si kastaba Manuel Neuer ayaa kusoo laabtay garoomada kaliya lugtii hore ee ay Bayern 2-1 guuldaro ah kala kulantay Real Madrid kadib markii uu dhaawac ku seegay sadex kulan oo Bundesliga ah.

Sven Ulreich ayaa badali doona Manuel Neuer kaas oo kusoo bilaaban doona kulan walba oo ka haray xili ciyaareedkaan.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments