RASMI: Man United Oo Ku Dhawaaqday In Ay Heshiis Cusub Oo Waqti Dheer Ah Ku Abaal Marisay Goolhaye Sergio Romero

by Mohamoud Batalaale | Sunday, Jul 16, 2017

Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis cusub oo uu waqti dheer ku sii joogayo Old Traffrod kadib markii uu xili ciyaareedkii dhamaaday qaab ciyaareed fiican kala soo muuqday kooxda Jose Mourinho.  Sergio Romero ayaa Manchester United ka soo caawiyay in ay ku soo guulaystaan koobka Europa Leaque-ga kaas oo ay ugu danbayn ugu soo laabteen Champions Leaque-ga.

Sergio Romero ayaa Manchester United ku soo biiray xagaagii 2015 wuxuuna goolhayaha labaad u ahaa David De Gea laakiin wacdarihii uu ka muujiyay tartanka kooxaha Yurub ee Europa Leaque-ga iyo marka uu Mourinho kulamada kale uga baahdo ayaa Red Devils iyo Mourinho ku qasabtay in ay ka saxiixdaan qandraas dhacaya 2021.

War rasmi ah oo ka soo baxay Manchester United ayaa lagu yidhi: ” Manchester United waxay ku faraxsan tahay in ay ku dhawaaqdo in Sergio Romeru uu saxiixay qandaraas cusub kaas oo kooxda ku sii hayn doona ilaa June 2021 wuxuuna doorasho u haystaa in uu ku sii kordhiyo sanad kale”.

Markii uu qalinka ku duugay heshiiska cusub ayuu Romero dareenkiisa ka hadlay wuxuuna yidhi: “Anigu waxaan ku faraxsanahay in aan heshiis cusub saxiixay. Kumaan doonayn in uu sii joogo kooxda aduunka ugu wayn?. Goolhaye fiican ayaanu halkan ku haysanaa markastana midba kan kale ayuu wax ka bartaa. Dabacan waxay ahayd waqti ay qoyskayga iyo aniguba aanu u hanwaynahay in aan qayb ka ahaa finalkii Europa Leaque waxaanan wanaag ka rajaynayaa in aan kooxda ka caawiyo in guulihii xili ciyaareedkii hore ay ku dhisto 2017/18”.

Dhinac kale Jose Mourinho ayaa amaan u soo jeediyay Romero wuxuuna yidhi: “Sergio waa goolhaye fiican oo xirfadleh ah, waxa uu soo qaatay xili ciyaareed fiican iyo bandhig cajiib ah, gaar ahaan guushii Europa Leaque. Sergio waxa uu u qalmaa heshiiskan, in Manchester Unnited ay haysato Sergio iyo David waa mid layaableh iyo doorkan muhiimka ah”.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments