DEG-DEG: Man City Oo Dalab Ka Gugdbinaysa Gool Dhaliyaha Borussia Dortmund Ee Pierre-Emerick Aubameyang Si Ay Kooxaha PL Ugu Garaacdo.

by Mohamoud Batalaale | Monday, Jun 19, 2017

Kooxda Manchester City ayaa diyaarinaysa dalab ay ka gudbiso gool dhaliyaha kooxda Borussia Dortmund iyo xulka qaranka Gabon ee  Pierre-Emerick Aubameyang. Shalay ayay soo baxday in  Pierre-Emerick Aubameyang uu u furan yahay in uu Premier Leaque-ga u dhaqaaqo waxaana markaas la sheegay in uu doonayo sidii uu Jurgen Klopp ugula shaqayn laaha Liverpool.

Laakiin war hadda soo baxay oo uu Sky Sports News HQ ayay ayaa sheegayay in Manchester City ay diyaarinayso dalab ay ku doonayso saxiixa  Pierre-Emerick Aubameyang. PSG ayaa mar u muuqatay in ay kooxaha Yurub ugu waa wayn ku garaacday saxiixa Aubameyang balse markan xidiga ree Gabon ayaa la filayaa in uu Premier Leaque-ga ka ciayari doono.

Manchester City ayaa tartan xoogan kala kulmaysa kooxaha Liverpool, Arsenal iyo Chelsea oo dhamaantood ka mid ah kooxaha waqtiyo dheer lala soo xidhiidhinayay saxiixa Aubameyang. Guardiola oo haddaba sameeyay laba saxiix oo muhiim ah ayaa doonaya in kooxaha Premier Leaque-ga uu hor qaado saxiixa Aubameyang.

Wargayska ree France ee  Le Parisien ayaa shalay baanaanka soo dhigay warka sheegayay in Pierre-Emerick Aubameyang uu doonaya in uu Premier Leaque-ga u dhaqaaqo isla markaana uu u furan yahay in uu u ciyaaro Livrpool iyada oo sidoo kale ay warar kale sheegayeenn in mulkiilayaasha Liverpool ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan lacagta 61 milyan ee gini ah ee ay Dortmund ku doonayso saxiixan xidigan.

Jurgen Klopp ayaa sanadkii 2013 kii la soo saxiixday Aubameyang markaas oo uu ahaa macalinka kooxda uu hadda xidiga ree Gabon ka tirsan yahay ee Borussia Dortmund, wuxuuna tan markaas dhaliyay in ka badan 100 gool.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa xili ciyaareedkii dhamaaday ahaa xidigii goolasha ugu badan ka dhaliyay horyaalka Germany isaga oo ku soo guulaysatay abaal marinta gool dhalinta kadib markii uu 31 gool oo horyaalka ah uu shabaqa soo taabsiiyay.

Si kastaba ha ahaatee, Pierre-Emerick Aubameyang ayaa hadda u jahaystay in uu horyaalka Premier Leaque-ga u dhaqaaqo balse Manchester City ayaa safka hore kaga soo booday loolanka xidigan loogu jiro waxaana la filayaa in ay Dortmund u diri doonto dalabka ugu horeeya ee ay xidigan ku doonayso.