DEG-DEG: Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino Oo Xaqiijiyay Waqtiga La Ciyaari Doono Koobka Adduunak 2022.

Koobka Adduunka 2018 ayaa soo gaaray kama dambeys iyadoo Russia ay isku diyaarineyo iney si fiican u sagootiso martidii timid wadankeeda, hadana hay’adda ugu sareeysa kubadda cagta FIFA xaqiijisay waqtiga la ciyaari doono koobka Adduunka 2022.

Afar sano kadib waxaa koobka Adduunka lagu qaban doonaa Qatar waana markii labaad oo lagu qaban doono ciida Asia iyo sidoo kale markii ugu horreysay ee wadamada carbeed, sidaas darteed waxaa la ciyaari doonaa waqtiga jiilaalka.

Gianni Infantino ayaa xaqiijiyay in November 21 ilaa 18-ka December uu socon doono koobka Adduunka isla sanadkaas 2022.

“Koobka Adduunak 2022 waxaa la ciyaari doonaa November 21 ilaa December 18, waana fikradda ay kula falgali karaan 48-wadan” ayuu yiri Infantino oo shir jaraa’id qabtay.

“32 kooxood ama ka badan, waxaan heshiiskaas la galnay Qatar”

“Hadda, wax walba ayaa suuragal ah, 48-wadan oo meelo kala duwan ah xiisadooda ayaa la xalin doonaa” ayuu mar kale yiri Infantino.

1 Comment

  1. Aad baan Ugu farax sanahay inuu Waddan Carbeed Oo weliba Muslim ahi Marti geliyo Dhacdadan Xamaasada IYO Xiisaha Xambarsan

Comments are closed.