RASMI: Jose Mourinho Oo Ganaax Hal Kulan Ah & Mid Lacageed Layskugu Daray Kadib Dhacdadii Kulankii Old Traffrod Iyo Ganaaxa Mourinho Oo Kulanka Caawa Ee West ham La Dhaqan Galinayo

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Nov 30, 2016

Xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ee FA-ga ayaa ganaax hal kulan ah iyo mid lacageed iskugu daray tababaha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho kadib markii lagu helay fal dhaqan xumo ah oo uu sameeyay kulankii Old Traffrod ee ay kooxdiisu barbaraha la gaashay West Ham united. west-ham-and-manchester-united-main-banner

Tababare Mourinho ayaa ka cadhooday in Paul Pogba kaadhka digniinta ah lagu siiyay in uu istuuray wuxuuna xakamayn kari waayay cadhadiisa isaga oo si xoogan u laagay caagadaha biyaha ee garabkiisa yaalay, waxaana lagu soo oogay dacwad dhaqan xumo ah taas oo lagu helay.mourinho

Guddida joogtadada ah ee xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ee FA-ga ayaa maanta arbaca ah ee November 30 dhegaystay dacwada Mourinho lagu soo eedeeyay waxayna ku xukumeen hal kulan oo kursiga kaydka laga ganaaxay absle uu garoonka ka soo xaadiri karo iyo 16,000 kun oo gini.bilic-and-mourinho

Daqiiqadii 27 aad ee kulankii Old Traffrod ee ay Manchester United barbaraha la gashay kooxda West Ham United ayaa Mourinho kaadhka cas loo taagay kadib markii uu cadhadiisa banaanka soo dhigay taas oo keentay in bil gudaheed laba jeer uu ganaax kala kulmo FA-ga.

Tababare Mourinho ayaa markii h--e ilaa khamiista la siiyay in uu kaga soo jawaabo eeda loo soo jeediyay balse h--e ayuu ka aqbalay taas oo keentay in ganaaxiisa la soo dadajiyo wuxuuna ganaaxiisu dhaqan galayaa kulanka caawa ee Leaque Cupka kaas oo ay markakle West Ham marti ku tahay Old Traffrod. Mourinho ayaa go’aansaday in uu iska aqbalo ganaaxan halkii uu kulanka Everton ganaax ku maqnaan lahaa.

Like it? Share it!

Leave A Response