DEG-DEG: Jan Vertonghen Oo Noqday Xidigii Labaad Ee 24 Saacadood Gudahood Qandaraaska Ugu Kordhiya Tottenham

by Abdirahman Qoslaaye | Friday, Dec 2, 2016

Kooxda ka dhisan waqooyiga LOndon ee Tottenham ayaa qandaraaska u kordhisay xidigeeda daafaca ka ciyaara ee Jan Vertonghen kaasoo noqday xidigii labaad ee warqada iyo qalinka is dul saara mudo 24 saacadood gudahood ah kadib markii shalay heshiis cusub u saxiixay kooxdaasi weeraryahan Hary Kane.

Daafaca heerka caalami ee xulka Belgium ayaa garwaaqsaday inuu qaado wada ay qaadeen saaxiibadiisa kooxdaasi ka ciyaara badankood kuwaas dhawaan qalinka ku wada duugay heshiis cusub oo ay kooxdooda kula sii joogayaan sanadaha soo socda.

War rasmi ah oo kasoo baxay kooxdaan ayaa lagu yiri “Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno in JanVertonghen uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo kooxda ku sii heynaya ilaa sanada 2019″ 

Xidiga ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiskaan cusub ee uu qalinka ugu duugay kooxdiisa Spurs.

Like it? Share it!

Leave A Response