DEG-DEG: Goolhaye Gianluigi Buffon Oo Xaqiijiyay Inuu 17-sano Kadib Isaga Tagayo Juventus Dhamaadka Fasal Ciyaareedkaan.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, May 17, 2018

Goolhayaha halyeyga ah ee Gianluigi Buffon ayaa xaqiijiyay inuu dhamaadka fasal ciyaareedkaan isaga tagayo kooxda Juventus oo uu ku qaatay 17-sano oo cajiib ah, balse wali go’aan kama gaarin hadii uu siibi doono gacmo gashiga iyo hadii uu sii wadi doono ciyaarista kubadda cagta.

Kulanka ay sabtida la ciyaari doonaan Chievo Verona ayaa noqon doona midka ugu dambeeya oo uu xirto maaliyadda Bianconerri, sidoo kalana wuxuu shirkiisa jaraa’id ku shaaciyay inuu mustaqbalkiisa go’aan ka gaari doono isbuucyada soo socda.

“Sadexda maalmood ee soo socota, si dareen buuxa ah, waan bixi doonaa, kadib laba ama sadex maalmood oo aan fakaray, waxaan gaaray go’aan kama dambeys ah” ayuu yiri Gianluigi Buffon oo si dareen leh u hadlay.

“Waxaan doonayaa inaan raaco wax walba oo ku saabsan nafteyda iyo dabcigeyga”

Buffon sidoo kale wuxuu qiray inuusan jecleyn inuu koox kale oo talyaani ah u ciyaaro inkastoo riyo jaceyl ay tahay inuu ku laabto kooxdisii hore Parma.

“Inaan ku laabto Parma waa riyo jaceyl oo caruurnimo ah, balse ma jiraan wax intaas ka badan” ayuu yiri Buffon.

Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay inuu Buffon dalabyo ka helay kooxo badan oo aan la shaacin – waxaana wararka qaar ay sheegayaan in kooxda Boca Junior ee dalka Argntina ay aad u dooneyso.

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. 😊 17-05-2018 at 7:47 pm -

    Laacib dadka shaqeeyo

  2. Rached awad Hussein 17-05-2018 at 1:26 pm -

    San jeclhy