DEG-DEG: Chelsea Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Alex Oxlade-Chamberlain Sida Ay Ogaatay Sky Sports.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Monday, Jun 19, 2017

Chelsea ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa garabka Arsenal Alex Oxlade-Chamberlain sida ay ogaatay Sky Sports iyadoo ay xidigaan horay u baadi goobayeen kooxaha Liverpool iyo Man City.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray hadal heyn ah iney hakadeen dadaaladii heshiiska cusub looga saxiixi lahaa iyadoo wali aysan Arsenal dalab rasmi ah xidigaan u bandhigin.

Wenger ayaa soo jeediyay dhawaan in xidigaan 23-jirka ah uu heshiis waqti dheer ka saxiixayo, madama uu ka mid yahay xidigaha uu qandaraaskoodu dhacayo bartamaha sanadka soo aadan.

Si kastaba Sky Sports waxey qoreysaa in Alex Oxlade-Chamberlain uu kasii caroon karo ineysan wali Arsenal ka dalban heshiis cusub taasoo keeni karta inuu go’aansado inuu isaga tago kooxda.

Oxlade-Chamberlain wuxuu ku dhameestay xilli ciyaareedkii dhamaaday si adag isagoo si fiiacn uga soo baxay waajibkiisii garabka midig ee tuuran, sidoo kalana wuxuu doorkaas ciyaaray kulankii France ee dhawaan laga guuleystay.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments