DEG-DEG: Chelsea Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Jorginho, Lambarka Uu Xiran Doono & Wax Walba Oo Ku Saabsan Heshiiskiisa.

Kooxda Chelsea ayaa dhameystirtay saxiixa xiddiga khadka reer talyaani Jorginho kaas oo noqday saxiixii ugu horeeyay kooxda Blues xagaagan iyo sidoo kale xiddigii ugu horreeyay ee soo gaara Stamford Bridge kadib imaatinka tababare Maurizio Sarri.

Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa xaqiijisay inuu saxiixay heshii shan sanadood ah oo gaaraya ilaa 2023, sidoo kalana kooxda waxey ku shaacisay website-keeda rasmiga ah lambarka 5-aad ee sida weyn loogu xasuusto Michael Essien.

Xiddiga heerka caalami ee qaranka talyaaniga ayaa kusoo biiray Blues iyadoo laga dulqaaday kooxda Manchester City oo muddo badan ku raad joogta isla markaana wajiga hore ee heshiiska dhameysay ka hor inta uusan xiddiga dooran inuu macalinkiisii hore u raaco galbeedka London.

“Waxaan ku dareemayaa farxad dhameystiran inaan ahaado Chelsea, wax fudud maahan inaad qeyb ka noqoto koox sidaan u weyn, sidaas darteed aad baan ugu faraxsanahay, sidoo kale aad bey xiiso iigu leedahay inaan ka ciyaaro horyaalkaan weyn iyo koox wax walba u bixineysa si ay u guuleysato” ayuu yiri Jorginho oo soo gaaray Cobham.

Sidoo kale Agaasimaha kooxda ee dhanka suuqa Marina Granovskaia ayaa iyana ka hadashay iney lasoo wareegaan Jorginho waxeyna tiri:

“Waan ku faraxsanahay in Jorginho uu na doorto, waa mid ka mid ah xidigaha khadka dhexe yuruba kuwooda ugu fiican, wuxuuna noqon doonaa xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda. Wuxuu tayadiisa ku qeexay la shaqeynta Sarri, waxaana ku kalsoonahay in saxiixiisa uu wax badan ka caawin karo inuu guulo dheeraad ah keeno Stamford Bridge”

26-jirkaan waa xiddig aad u qabeeya kubadda sidoo kalana aad u yaqaana inuu isku xiro daafaca iyo weerarka, sidoo kalana wuxuu leeyahay tayo farsamo oo aan caadi aheyn sida lagu qeexay website-ka rasmiga ah ee kooxda.

Jorginho wuxuu ku yimid Stamford Bridge adduun dhan 57 Malyan oo Pound.