DEG-DEG: Chelsea Oo Ku Dhawaaqday In Maurizio Sari Uu Yahay Tababaraha Cusub Ee Badalaya Antonio Conte & Faah-Faahinta Heshiiskiisa.

Kooxa Chelsea ayaa ku dhawaaqday in Maurizio Sarri uu yahay macalinkooda cusub isagoo badal u noqon doona Antonio Conte oo shalay laga ceyriyay shaqada kooxda kadib muddo laba sano ah oo uu ku sugnaa garoonka Stamford Bridge.

59-jirka reer talyaani ayaa soo gaaray galbeedka Lonon wuxuuna saxiixay heshiis laba sanadood ah iyo 12-bilood oo si dooq ah loogu dari karo iyadoo ay xusid mudan tahay in Chelsea aysan ka qeyb gaheyn kooxaha Ingiriiska u matalaya tartanka UEFA Champions League fasalka soo aadan.

Maurizio Sarri ayaa yimid galbeedka London isagoo saddex sano oo dahabi ah balse aan guulo la taaban karo kooxa la qeybsan soo qaatay, laba sanadodo wuxuu kooxdiisii hore u sahlay inuu la tiigsado kaalinta labaad iyadoo fasalkii lasoo dhaafay ay rikoor dhibco ah heleen, sidoo kalana macalinkaan wuxuu noqday tababarahii ugu fiicnaa horyaalka Serie A-da sanadkii hore.

HALKAN KA DHAGEYSO QAABKA UU CHELSEA UGU BIIRAY

Maurizio Sarri oo saxiixay saddex sano oo heshiis ah wuxuu yiri: “Aad baan ugu faraxsanahay inaan imaado Chelsea iyo Premier League, Waa xaalad cusub oo xiiso u leh waayaheyga kubada cagta”

“Waxaan isha ku hayaa inaan bilaabo shaqada isla markaana aan isniinta la kulmo ciyaartoyda ka hor inta aanan u safrin Australia, halkaas oo aan ku baran doono kooxdeyda, isla markaana aan kulamo ku ciyaari doono”

“Waxaan rajeynaa inaan soo bandhigno kubad madadaalo u ah taageerayasheena, waxaana u tartameynaa koobab ilaa dhamaadka fasal ciyaareedka, waana waxa ay kooxa u qalanto”

Dhanka kale agaasimaha dhanka suuqa ee kooxda Blues Marina Granovskaia ayaa ka hadashay sida ay u aragto imaatinka Maurizio Sarri.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan soo dhaweeyo Maurizio Sarri, waxaana rajeyneynaa inuu keeno kooxda falsafadiisa kubadeed”