RASMI: Antoine Griezmann Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay Go’aanka Mustaqbalkiisa Isaga Oo TV Show Uu Ka Qayb Galayay Si Toos Ah Uga Dhex Shaaciyay.

Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa ugu danbayn si rasmi ah ushaaciyay go’aankiisa kama danbaysta ah ee mustaqbalkiisa kadib markii muddo dheer la sugayay in uu kala cadeeyo haddii uu ka baxayo Atletico Madrid oo uu Barcelona ku biirayo iyo haddii uu kooxdiisa sii joogayo.

Antoine Greizmann oo si qariib ah go’aankan u shaaciyay ayaa ka qab galayay barnaamij TV show ah wuxuuna dhacdooyin badan kadib shaaciyay go’aankiisa ku aadan haddii uu baxayo iyo haddii uu Atletico Madrid ku sii nagaanayo taas oo ahayd waxa ugu wayn ee laga sugayay.

Antoine Griezmann ayaa si wayn uga farxiyay jamaahiirta kooxdiisa Atletico Madrid wuxuuna si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu sii joogayo kooxdiisa isla markaana uu go’aankan ku gaadhay si loo xaliyo su’aalihii joogtada ahaa ee mustaqbalkiisa laga waydiinayay.

Antoine Griezmann ayaa go’aan ku gaadhay in uu iska diido Barcelona oo waqti badan iskaga lumisay in ay sugto xaalada iyada oo ay jirtay waqti uu Griezmann si buuxda diyaar ugu ahaa in uu ka baxo Estadio Wanda Metropolitano laakiin ugu danbayn waxa uu go’aan rasmi ah ku gaadhay in uu Atletico Madrid sii wato.

Waxaa saamayn wayn ku yeelan kara in Griezmann uu go’aankiisii hore badalay heshiiska ay kooxdiisu la gaadhay xidiga xulka qarankiisa France ee Thomas Lemar taas oo kooxda Atletico Madrid u ah guul wayn oo ay dhinaca suuqa ka soo hoysay.

Barcelona ayay waji gabax wayn ku tahay in bartilmaameedkeedii kowaad ee Antoine Greizmann uu go’aansaday in uu sii joogo Estadio Wanda Metropolitano waxayna hadda ku qasbanaan doonaan in ay raadsadaan xidig tayo sare leh oo shaxda Valverde si toos ah uga soo muuqan kara.

Barcelona oo uu ka baxay Andres Iniesta ayaa doonaysay in ay Antoine Griezmann uu si toos ah u soo galo shaxda kooxda kowaad waxayna doonaysay in ay bixiso lacagta 100 milyan euros ah ee heshiiska xidiga ree France lagu burburin karo balse in maamulka Camp Nou arinta ka soo daaheen waxay keentay in hadda uu si aan hore loo arag Griezmann barnaamij TV Show live ah uu go’aankiisa si layaable ugu dhawaaqay.

Waxaana halkaas ku soo dhamaaday warkii suuqa kala iibsiga Griezmann ee tan iyo xagaagii hore soo taagnaa wuxuuna sidii uu balan qaaday doonayay in ka hor bilaabashada xulka qarankiisa ee koobka aduunka uu wax walba kala cadeeyo taas oo uu si aan hore loo arag u sameeyay.