DEG-DEG: AC Milan Oo Ku Dhawaaqday Maalinta Ay Shirkada Sino-Europe Sports Si Rasmi Ah Ula Wareegi Doonto Kooxdaasi

by Abdirahman Qoslaaye | Tuesday, Nov 29, 2016

Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqaday in maalinta ay taariikhdu tahay December 13 ay xarunta Casa Milan ku shiri doonaan maamulada shirkada haatan iska leh kooxdaasi ee Fininvest iyo waliba kuwa cusub ee la wareegi doono kooxdaasi ee Sino-Europe Sports si ay ula kala wareegaan kooxda loona dhameysatiro dhamaan heshiisyada dhiman.

Bilowgii bishaan ayeey aheyd markii ay Milano ku dhawaaqday in 2 da bishaan uu jiri doono shirka koowad ee hehsiiska lagula kala wareegayo kooxda shir labaadna uu jiri doono 13 ka December hadii uu noqdo mid loo baahdo.

Fininvest oo uu madax ka yahay Silvio Berelusconi ayaa soo maamuleysay kooxdaasi in mudo ku dhaw 30 sanadood waxaana ay mudadaasi kooxda ku soo guuleysatay koob waliba oo suurogal ah waxaana markaan la wareegi doona shirkada Chinese ka ah ee Sino-Europe Sports.

ac-milan

War rasmi ah oo lagu dabaacay boga Rossoneri ayaa lagu yiri “AC Milan waxay ku dhawaaqeysaa in shirkada kooxda qeybta ugu badan ku leh ee Fininvest S.p.A, ay qaban qaabineyso wajigii labaad ee shirka kala wareejinta kooxda malainta ay taariikhdu tahay December 13, 2016 saacada 10.30am uuna ka dhici doono Casa Milan”.

Like it? Share it!

Leave A Response