DECO! Naby Keita Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Sababtii Uu Aabihiis Ugu Naaneysi Jiray Xiddigii Hore Ee Chelsea & Barca, Deco!

Naby Keita waxa uu daaha ka rogay in aabihiis ku naaneysi jiray ‘Deco’ oo uu ula jeeday xiddigii hore ee Chelsea.

Laacibka Liverpool ilaa iyo hadda bandhigyo wanaagsan ayuu la soo baxay kaddib markii uu uga soo biiray Leipzig.

Keita saddexdii kulan ee ugu horreeyey wuu ku soo bilowday, balse markii uu kaydka u dhacay ciyaartii Leicester , waxa uu filayaa in uu maanta ka horyimaado Tottenham.

Sare u kaca Keita waxa uu ahaa mid aad u xawaare sarreeya isaga oo kubadda ku dheeli jiray jidadka Guinea laakiin waxa uu qiray in aabihiis Sekou la jeclaa waxbarashada.

Hase ahaatee, markii uu aqbalay in wiilkiisa leeyahay hibo waxa uu ku naaneysay Deco xilli uu laacibka Portugal ahaa mid laga taageero qoyska Keita. “

“Aabahay wuu ogaa in aan ciyaari karo laakiin waxa uu ku ad adkaa in aan waxbarto, markaa waxa uu rabay in aan diiradda saaro waxbarashada iyo School-ka halkii aan Kubadda Cagta dheeli lahaa,” ayuu The Times u sheegay.

“Mararka qaar waxaan sugi jiray inta uu ka seexanayo kaddib ayaan dhuuman jiray. Meel guriga ka mid ah ayaan isku qarin jiray si uusan ii arkin meesha aan ku dhuuntay. Ugu dambeyn waxaan aad uga u dhexgalay ciyaarta, waxa uu qiray in aan ahay ciyaaryahan wanaagsan anna waxaan xoogga saaray kubadda cagta.”