David Villa Oo Ka Hadlay Fikirkiisa Ku Aadan Xidiga Real Madrid Ee Francisco Isco. Muxuuse Ka Yidhi Kooxihii Uu Horey U Soo Maray Barcelona Iyo Atletico Madrid?.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Monday, Nov 20, 2017

Laacibkii hore kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spai haatana u ciyaara kooxda ree Mareykan ee New York City David Villa ayaa wuxuu ka hadlay fikirkiisa kaga aadan laacibka ay isku dalka kasoo wada jeedeen ee kooxda Real Madrid Francisco Isco.

Wargeyska ree Spain ee “Marca” oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer gudaha dalka Spain iyo caalamkuba dhanka isboortiga ayaa waxaa wareysi siiyay Laacibkii hore kooxda Barcelona David Villa wuxuuna ugu horeyn ka hadlay qaab ciyaareedka Francisco Isco wuxuuna yidhi:

“Francisco Isco wuxuu awoodaa inuu qeyb ka noqdo mustaqbalka dhaw xidigaha ugu wanaagsan caalamka, waxaan kula kulmay tababarka kooxda Valencia, waxaana xiligaas si wanaagsan kaga war helay inta ay la eg tahay awoodiisa ciyaareed. Waa ciyaaryahan tayo sare leh, isla markaana uu kusoo bandhigi doono kooxda Real Madrid wax walba oo ay awoodiisu tahay”.

Sidoo kale David Villa ayaa wuxuu ka hadlay kooxdiisii hore ee Atletico Madrid wuxuuna yidhi: “Waxaan rajeenayaa in kooxaha Atletico Madrid iyo Barcelona midkood uu xili ciyaareedkan ku guuleysto koobka Champions League-ga, si la mid ah waxaan ku faraxsanahay qaab ciyaareedka wanaagsan kooxda Valencia ay xili ciyaareedkan ka sameeneyso horyaalka La Liga maadaama ay ka mid tahay kooxaha ku loolamaya, laakiin sidoo kale Real Madrid waxay xili kastaa murashaxa koowaad u tahay inay ku guuleysato tartamada La Liga iyo Champions League-ga”.