David Beckham Oo Lionel Messi Ka Doonaya Kooxdiisa Cusub Ee Inter Miami Iyo Sababaha Macquulka Ah Ee Kabtanka Barcelona Ku Riixi Kara Maraykanka Oo La Ogaaday.

Weeraryahanka kooxda Barcelona ahna kabtanka kooxdaas ee Lionel Messi ayaa xiiso ka helaya halyeeyga kooxaha Manchester United iyo Real Madrid ee David Beckham kaas oo u doonaya inuu kusoo daro kooxdiisa cusub ee uu dhawaan ka yagleelay carriga Maraykanka ee Inter Miami.

Kooxdan ree Florida ayaa si joogto ah loola xidhiidhinayay magacyo waaweyn ee kubadda cagta ah balse waxa la filayaa inay haatan ujeedada koowaad ka dhigtaan Leo oo ay u arkaan mid ay ku qancin karaan inuu kooxdooda kusoo biiro.

 

Haddaba, Sida laga soo xiganayo wargeyska caanka ah ee Daily Mail ilo ku dhaw dhaw David Beckham ayaa sheegaya inaan labada dhinac wax wada hadal ah samayn ilaa hada balse uu Leo noqon karo bar-tilmaameedka koowaad ee Inter Miami.

Waxyaabaha layaabka leh ayaa ah in kooxdan oo aan wali si rasmi ah usoo galin garoomada isla markaana wakhtigeeda cusub bilaaban doonta xilli ciyaareedka 2020 ay ku han wayntahay saxeexa Lionel Messi oo ay ku hungoobeen kooxaha ugu waaweyn kubadda cagtu.

Sababaha Inter Miami ka caawin kara saxeexa kabtanka Barcelona:

1- Messi ayaa sanadkaas noqon doona 33 jir taas ayaana ah sabab si weyn u caawin karta kooxda David maadaama oo ay aaminsan yihiin in xiddiga iyo kooxduba ay ku qanci doonaan lacago badan oo midkasta gaar loo siiyo.

2- Sababta labaad ee Inter caawinayasa ayaa ah in Messi uu haatan niyad jaw weyn ka qaaday riyadiisii ahayd inuu ku laabto dalkiisa Argentina kuna soo afjaro waayihiisa kubadda cagta maadaama oo uu sanado fashil ah la qaatay xulka qaranka ee dalkaas.

3- Kooxda Beckham ayaa sidoo kale kusoo jiidan karta xiddigan shanta jeer hantay abaalmarinta Ballon d’or in 70% bulshada gobolka Florida ay yihiin kuwo Latin ah isla markaana ku hadla luuqada Spanish-ka.