David Beckham Oo Aaminsan In Neymar JR Uu Dhawaan Noqon Doono Xidiga Aduunka Ugu Fiican Ee Badali Doono Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo.

by Mohamoud Batalaale | Friday, Apr 21, 2017

Kabtankii hore kooxda Manchester United iyo xulka England David Beckham ayaa wuxuu qiray in xidiga reer Brazil iyo kooxda Barcelona ee Neymar da Silva uu haatan soo gaadhay xiligii uu kula dagaalami lahaa xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ku guuleysiga abaal marinta xiisaha badan ee Ballon d’Or.

24 jirkan ayaa soo caga dhigtay garoonka Cump Nou xili ciyaareedkii 2013, wuxuuna xiligaas kaga soo dhaqaaqay kooxda reer Brazil ee Santos, Neymar ayaana haatan ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan safka kooxda Barcelona. Kadib markii uu gaadhay goolkiisii 100 ee waayihiisa ciyaareed kooxda reer Spain iyadoo ay intaas usii dheertahay inuu qeyb ka yahay safka xidigaha MSN ee Messi iyo Suarez.

David Beckham oo si wanaagsan kaga hadalyay Neymar da Silva ayaa wuxuu yidhi: “Neymar waa xidig qaab ciyaareedkiisu uu aad u wanaagsan yahay, waa mid ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan ee jiilkiisa, waa mid si weyn u qadariya loolanka, wuxuuna doonayaa in wax badan uu ka barto tartanka uu ku jiro”.

Beckham ayaa wuxuu sidoo kale intaa ku sii daray: “Markaan daawaday sida weyn ee uu Neymar kaga caawiyay Barcelona kulankii  PSG, waxaan xaqiiqsaday inuu noqon doono dhawaan kan ugu wanaagsan aduunka”.

Kabtankii hore kooxda Manchester United iyo xulka England Ayaa wuxuu sidoo kale hadalkiisa intaa ku sii daray: “Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi waa labada xidig ee haatan sida weyn ugu dagaalamaya abaal marinta Ballon d’Or, Laakiin Neymar wuxuu gaadhau xiligii uu kula dagaalami lahaa”.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments