Dani Carvajal Miyuu Ciyaari Karaa Kulanka Madrid Derby? Shabakadda Marca Oo Heshay Xogtii Ugu Dambeysay Xaaladdiisa Caafimaad.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Nov 14, 2017

Tababare Zinedine Zidane ayaa maqlaya war aan wanaagsaneyn ka hor kulanka xiisaha leh ee ay isbuuca soo aadan la yeelan doonaan Atletico Madrid, waana kulanka ugu horeeyay oo ay labada dhinac ku ciyaarayaan Estadio Wanda Metropolitano.

Daafaca midig ee xulka qaranka Spain Dani Carvajal ayeysan suuragal u aheyn inuu ciyaaro weyn ee 18-ka November dhici doona, waana isbuucii 9-aad oo ay dhaqaatiirta kooxda ka biya diidayaan in xidigaan garoonka lagula ordo.

Dani Carvajal wuxuu garoomada ka maqan yahay in ku dhaw laba bilood, madama xanuun dhanka wadnaha uu asiibay, balse maalmahii ugu dambeeyay wuxuu kasoo muuqday xerada tababarka kooxda isagoo si gaar ah shaqo u qabanayay.

Looma badinayo inuu ciyaari doono, waana dhibaato hor leh oo soo food-saartay tababare Zinedine Zidane madama uu rajo badan ka qabay soo kabsashada xidigaan, sidoo kalana wuxuu weynayaa kulankaan Matteo Kovacic iyo Gareth Bale kuwaas oo loo badinayo ineysan kasoo kabsan karin dhaawacyada ay garoomada kaga maqan yahiin.

Si kastaba xaalada kusoo kordhi kara ciyaartoyda kale ee kooxda lagama sii hordhici karo, balse kulanka sabtida dhici doona lama filayo inu ka qeyb qaato Dani Carvajal sida ay warbixintaan kusoo gudbisay shabakadda Marca.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments