Dani Alves Oo Ogolaaday Inuu Heshiis Laba Sanadood Ah Ugu Biiro Man City – Maxaa Hortaagan In La Dhameystiro?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Jun 20, 2017

Dani Alves ayaa ogolaaday inuu heshiis laba sanadood ah ugu biiro Manchester City – balse waxaa la rajeynayaa in la xaqiijiyo heshiiska marka xal laga gaaro xaaladda heshiiska uu kula jiro Juventus.

Daafacii hore Barcelona wuxuu shalayto [Isniin} la kulmay maamulka Bianconerri wuxuuna kala hadlay arimaha la xiriira inuu isaga tagayo magaalada Turin.

Manchester City waxaa la filayaa iney bixin doonto aduun dhan 5 Malyan oo Euro si loo burburiyo heshiiska Dani Alves uu kula jiro Juventus oo ay uga harsan tahay 12-bilood.

Inkastoo aysan jirin wax lasoo afjaray ilaa iyo hadda hadana shabakadda Goal waxey fahansan tahay in Dani Alves uu ogolaaday heshiis laba sanadood ah.

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in Dani Alves uu qaadan doono aduun dhan 4.3 Malyan oo Euro xilli ciyaareedkii taasoo ka dhigan inuu isbuucii qaadan doono 85,000 kun oo Pound.

Gazzetta dello Sport waxey qirtay in xidigaan uu todobaadkii ka qaadanayay Juventus aduun dhan 60,000 kun oo Pound isagoo sidoo kale Barcelona ka qaadanayay aduun dhan 100,000 kun oo Pound.

Ilo ku dhaw Man City waxey sheegayaan in Dani Alves la xaqiijin doono ku biiritaankiisa kooxda 48-saac ee soo aadan.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments