Daboolka Laga Qaaday: Cristiano Ronaldo Oo Si Faahfaahsan Uga Hadlay Sababtii Uu Uga Tagay Real Madrid

Cristiano Ronaldo waxa uu daboolka ka qaaday qodobaddii furaha u ahaa in uu Juventus ku biiro.

Ronaldo waxa uu ku biiray Juventus bishii Juunyo kaddib sagaal sano oo uu Real Madrid guulo badan kula soo raaxeystay.

Waxa ay timi,toddobaadyo uun kaddib markii uu Cristiano Ronaldo labaaleey qeyrul-caadi ah ka dhaliyey Juventus.

Laacibka shanta jeer hantay Ballon d’Or-ka waxa uu kulankaa kadiib ka caawiyey Madrid hanashada Champions League-gii saddexaad oo xiriir ah.

Laakiin waxa uu ahaa kulankii ugu dambeeyey ee uu Ronaldo u safto Madrid.

Hadda Ronaldo waxa uu daaha ka rogay soo dhaweyntii uu ka helay taageereyaasha Juventus in uu qodob weyn ahaa.

“Markii hore la yaab ayaan dareemay,” ayuu Ronaldo wareysi ku siiyey Juventus TV.

“Waan la socon jiray Juve waana koox aan ka helo, laakiin tan iyo dhacdadas aad ayaan uga sii helay.

“Dhihi maayo waxa ay ahayd furihii kowaad ee go’aankeyga, laakiin wax walba door ayey ka ciyaareen. Dabcan, wey caawineysaa marka aad aragto in dadka ku jecelyihiin, taageereyaasha iyo kooxda ku jecelyihiin, dareenka waa mid aad uga duwan sidii hore.

“Lama aamini karo. Maalin walba ayaan xasuusta, taas mar walba ima soo marto. Kula naan sideed dhammaadka Champions League uga horimaanayo Juventus, waxaad dhalineysaa gool kaddib qof walba oo garoonka joogaa wuu ku sacaba tumayaa. Waxa ay uu ahaa dareen aan la aamini karin.

“Ma lehi xilli cayyiman oo aan go’aansaday in aan ku soo biiro. Sanadahan oo dhan, dhawr mar ayaan la dheelnay Juve waxaana helay dareen gaar ah oo sheegaya in taageereyaasha Talyaaniga ay jecelyihiin Cristiano.”

 

3 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. wxaa ila yaab ah inaay maalin walipa aay ronaldo noo buun buuniyaan waan 2 sbb midood
    1 inaay taageere barcelona yihin uu culees bdn ka degay kdib la liga uu kso tagay ronaldo cusub noqday
    2 inay rbaa si madrisdistiasha niyyada uga dilaan lkn realmdrid way ka weyn tahay qaaroow 33 sanna jirsaday kamana tageeno team keena cad cadk ah

  2. Runtaaa weeye sxb maxamed meesha waxay u baahantahay tifa tire Ama qof saxaafada aqoon u yara leh

Comments are closed.