Daawo: Xiddigaha Liverpool Oo Caga Dhigtay Hong Kong Iyo Reds Oo La Kulantay Soo Dhowayn Diiran

by Abdiweli Adan Jamac | Monday, Jul 17, 2017

Xiddigaha kooxda Liverpool ayaa ka dagay Hong Kong halkaas oo ay ku ciyaari doonaan kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Premier League Asia Trophy.

Liverpool ayaa soo dhowayn cajiib ah kala kulantay taageerayaasha ay ku leedahay Hong Kong iyaga oo waliba xiddigaha kooxdu sawiro la galay qaar ka mid ah taageerayaasha.

Reds ayaa maalinta Arabaca bilaaban doonta tartanka Premier League Asia Trophy iyada oo kulanka ugu horeeya la ciyaari doonta kooxda Crystal Palace Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments