Daawo: Xiddiga Man United Ee Jesse Lingard Oo Ka Qoomameeyay Ficil Uu Ku Dhex Sameeyay Madbakha (Jikada) Beed (Ukun) Kulul Ayaa Dusha Kaga Dhacay

by Abdiweli Adan Jamac | Thursday, Oct 12, 2017

Xiddigaha aan xulalkoodu u yeedhin fasaxa xulalka ayaa meelaha ka baxsan garoomada kubada cagta ka dambeeya arimo aad u la yaab leh oo qosol kugu dilaya.

Xiddiga garabka uga ciyaara xulka qaranka England iyo kooxda Man United ee Jesse Lingard ayaa sameeyay arin aad uga yaabisay dadka.

Jesse Lingard ayaa ku jiray madbakha (Jikada) halkaas oo uu beed (ukun) ku dubanayay laakiin xiddigan ayaa beedkii oo kulul isku dayay in uu ku ciyaaro.

Kadib markii uu laba jeer ku guulaystay in uu kor u tuuro markii 3-aad ayay korka kaga soo dhacday taas oo keentay in uu bood-boodo oo uu qaylyo Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan