Daawo: Tababarkii Ugu Dambeeyay Ee Ay Xiddigaha Man United Isugu Diyaarinayeen Kulanka Caawa

by Abdiweli Adan Jamac | Thursday, Apr 20, 2017

Kooxda Man United ayaa caawa ciyaari doonta kulan muhiim ah oo ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka Europe League iyada oo garoonkeeda Old Trafford ku soo dhowayn doonta kooxda Anderlecht.

United ayaa soo galaysa kulanka iyada oo isha ku haysa in au gaarto guul muhiim ah oo ka caawisa in ay u soo baxdo wareega 4 dhamaadka tartankan si ay u sii wadato riyadeeda ku guulaysiga koobka xilli ciyaareedkan.

Hadaba waxa aanu muuqaalkan ku soo bandhigi doonaa tababarkii ugu dambeeyay ee ay qaateen xiddigaha kooxda Man United iskuna diyaarinayeen kulanka caawa Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan