Daawo: Taageerayaasha Real Madrid Oo Baskii Ay Saarnaayeen Xiddigaha Kooxdoodu Si Fiican Ugu Soo Dhaweeyay Garoonka Ka Hor Kulankii Bayern Munich

by Abdiweli Adan Jamac | Wednesday, Apr 19, 2017

Taageerayaasha Kooxda Real Madrid ayaa xalay si aad u diiran u soo dhaweeyay xiddigaha kooxdooda markii ay ku soo socdeen garoonka Santiago Bernabéu Stadium ka hor kulankii xalay.

Taageerayaasha Real Madrid ayaa dibada Garoonka ku sugayay baska waday xiddigaha kooxdooda iyaga oo u soo dhoweeyay si aad u cajiib ah una muujiyay in ay taagan yihiin garabkooda

Kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa xalay soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badnayd oo ay ugu dambayntii guushu ku raacday Kooxda Real Madrid sidaasna ugu soo gudubtay wareega 4 dhamaadka champions league Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan