DAAWO: Saxiixa Cusub Ee Man United Ee Victor Lindelof Oo Masuuliyad Gaar Ah Kula Tartami Doona Paul Pogba, Marcus Rashford Iyo Juan Mata .

by Mohamoud Batalaale | Sunday, Jun 18, 2017

Tababare Jose Mourinho ayaa saxiixa ugu horeeya ee uu xili ciyaareedkan ka sameeyay Old Traffrod waxa uu ka dhigtay difaacii kooxda Benfica ee  Victor Lindelof kaas oo ay United ka soo bixisay 30.7 milyan gini wuxuuna xidiga ree Sweden diyaar u yahay in uu xaliyo dhibaatada difaaca ee Red Devils.

Laakiin  Victor Lindelof ayaa waraysi uu siiyay MUTV waxa uu ku sheegay in uu qaadan doono fursad kasta oo uu xidigaha kooxdiisa kula tartamayo in loo gacan galiyo masuuliyada tuurista kubbada laaga xorta ah taas oo uu isku arko in uu yahay mid khibrad khaas ah u leh.

Sida aad muuqaalka hoose ka arki karto  Victor Lindelof ayaa kooxdiisii hore ee Benfica goolal uga soo dhaliyay tuurista kubbada laaga xorta ah waxaana la filayaa in uu tartan la gali karo Paul Pogba, Marcus Rashford iyo Juan Mata oo xili ciyaareedkii dhamaaday Red Devils masuuliyadan u xambaarsanaa.

Haddii aad aragto qaabka uu difaaca ree Sweden ee   Victor Lindelof uu ku dhaliyay goolka uu muuqaalkiis kuu soo socdo waxaad dareemi kartaa sababta uu u qabo kalsoonida uu ku sheegay in uu soo dhawaynayo fursad kasta oo uu ku qaadan karo tuurista kubabdaha laaga xorta ah ee Man United.

Victor Lindelof oo la hadlayay MUTV ayaa isaga oo ka hadlaya tuurista kubbadaha laaga xorta ah ee kooxdiisa yidhi: “Anigu aad ayaan iyaga ugu fiicanahay, sidaa daraadeed haddii aan helo fursada aan ku qaadan karo laaga xorta ah waxaan filayaa in halkaas joogi doono”.

Victor Lindelof ayaa ciyaartoyda kooxdiisa Manchester United la kulmi doona July 8 markaas oo ay dib ugu soo laaban doonaan xarunta tababarka ee Carrington si ay iskugu diyaariyaan kulamada saaxiibtinimo ee xili ciyaareedka cusub loogu diyaar garoobi doono,Halkaan Laacibtv.net ka daawo muuqaalkaas 

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments