Daawo Sawirada Xiddigaha Man United Oo Ka Qeybgalaya Xaflada Lagu Bixinayo Abaalmarinta Xiddiga Sannadka Ee Kooxda

by Saed Balaleti | Thursday, May 18, 2017

Waxaa haatan socota xaflada sannadlaha ee lagu bixinayo abaalmarinta xiddiga sannadka ee kooxda Manchester United, iyadoo xiddigaha Man United oo si fiican u soo labistay ay soo xaadirayaan xaflada iyo si la mid ah martisharaf kale oo lagu martiqaaday.

Abaalmarinta xiddiga sannadka ee Man United waxaa ugu cadcad Ibrahimovic, Herrera iyo Valencia oo abaalmarinta Sir Matt Busby Player of the Year ku guuleystay sannadii 2012.

Valencia ayaa ahaa xiddiga qaab ciyaareedka ugu fiican ee joogtada ah u soo bandhigay Manchester United xilli ciyaareedkan, laakiin Ibrahimovic oo isna goolal badan dhaliyay ayaa shacbiyad badan ku dhex leh jamaahiirta kooxda oo codeynta ka qeyb qaatay.

Inkastoo United uusan u aheyn xilli ciyaareedkan mid fiican hadana waxa ay taasi isbedeli kartaa habeenka Arbacada marka la ciyaarayo finalka Europa League oo ay la ciyaarayaan kooxda Ajax, iyadoo haddii ay ku guuleystaan ay u soo bixi doonaan Champions League.

 

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments