Daawo: Qaabkii Wareerka Ahayd Ee Kooxda Chelsea Ugu Dhawaaqday Saxiixeeda Cusub Ee Jorginh

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jorginho kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Napoli isaga oo noqday saxiixoodii ugu horeeyay ee Xagaagan.

Jorginho oo si weyn loola xiriirinayay kooxda Man city ayaa ugu dambayn noqday xiddig Blue ah isaga oo qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah.

26 jirkan ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee uu sameeyo tababaraha cusub ee Blues ee Sarri kaas oo xiddiga kula midoobi doona Blues kadib markii ay horay uga soo wada shaqeeyeen Napoli Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan