Daawo: Qaabkii La Yaabka Lahayd Ee Uu Tababaraha Liverpool Ee Jurgen Klopp Uga Fal Celiyay Markii Sadio Mane Kubad Furan U Dhigi Waayay Mohamed Salah

Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay kooxda Tottenham kulan ka dhacay Wembeley kana tirsanaa horyaalka Premier League todobaadkiisii 5-aad xilli Reds sii wadatay guulaha xiriir ah.

Kulanka ayaa laga dareemay xafiiltan xoogan oo ka dhex dhacay xiddigaha isku kooxda ah ee sadio Mane iyo Mohamed Salah kuwaas oo ay ka muuqatay in ayna isla socon.

Mane ayaa kubad rogaal celis ah qaaday xilli mohamed salah uu garab ordayay laakiin Mane ayaa si la yaab leh Mohamed Salah kubada ugu diiday isaga oo Naby Keita oo meel adag joogay u dhiibay Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan