DAAWO: Philippe Coutinho Oo Si Adag Uga Shaqaynaya In Uu Ka Soo Laabto Dhaawaca Uu Ku Maqan Yahay Iyo Saxiixa Cusub Ee Yerry Mina Oo Tijaabada Caafimaadka Barca Maya.

by Mohamoud Batalaale | Friday, Jan 12, 2018

Barcelona ayaa ah kooxda ilaa hadda suuqa kala iibsiga shaqada ugu wayn ka qabsatay iyada oo dhamaystirtay heshiiskii Philippe Coutinho isla markaana uu difaaca Yerry Mina soo gaadhay Camp Nou isaga oo maray tijaabada caafimaaka kooxdiisa cusub ka hor inta aan la dhamaystirin heshiiskiisa.

Philippe Coutinho oo ah saxiixa ugu qaalisan taariikhda Barcelona ayaa si wayn u bilawday in uu ka soo kabsato dhaawicii uu kala soo wareegay Liverpool ee ay Barcelona ku xaqiijisay markii uu tijaabada caafimaadka marayay isaga oo markaas la sheegay in uu 20 maalmood ka sii maqnaan doono kooxda Valverde.

Laakiin xidiga ree Brazil ayaa maanta si adag uga shaqeeyay in uu taam ahaansho ku soo laabto iyada oo Barcelona jamaahiirta kooxdeeda iyo kuwa kubbada cagta la wadaagtay qaabka uu 25 sano jirkan ree Brazil uga shaqaynayo in uu markii ugu horaysay ka soo muuqdo kooxda uu ku riyoonayay ee Barcelona.

Sidoo kale Barcelona ayaa barteeda twitterka soo dhigtay muuqaalka difaaca ree Colombia ee Yerry Mina oo tijaabada caafimaadka maraya isaga oo bixiyay waraysigii ugu horeeyay wuxuuna farxad wayn ka muujiyay in uu ku soo biiray koox ay xidigo magac wayni ka buuxaan.

Yerry Mina ayaa rajaynaya in uu wax ka baran doono Samuel Untiti iyo Gerard Pique oo uu difaaca dhexe lamaane kula noqon doono isaga oo badalka tooska ah ee Javier Mascherano noqon doona.

Ugu horayn halkan ka daawo muuqaalka Yerry Mina oo tijaabada caafimaadka maraya iyo waliba hadalkii ugu horeeyay ee markii uu Barcelona soo gaadhay:

Sidoo kale waxaad halkan ka daawan kartaa muqaalka qaabka uu Coutinho uga shaqaynayo in uu taam noqdo yada oo la soo raaciyay qoraalka ah: “Shaqada adag ayaa Philippe Coutinho u bilaabtay. Aan ka socono!”..

Valverde ayaa haddabada kooxdiisa ku helay laba xidig oo tayo sare leh iyada oo waliba Yerry Mina uu yahay difaac boosas badan ka ciyaari kara kaas oo buuxin kara dhexda danbe ee burburiyaha oo uu hore uga soo ciyaaray halka sidoo kale Coutinho uu dhawr boos ka ciyaari karo.

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Dr hassan kaafi 12-01-2018 at 9:22 pm -

    Aad baad u mahadsantihiiin madaxda iyo shaqaalaha webka waxaaan idinka codsanaa inaaad sidaaan noogu sooo galisaaa vedio yada sidiii hore sidaaan baa ka wanaagsan

    • Barca Fan 13-01-2018 at 1:13 am -

      Wa runti dr-kuye sidan sameya