DAAWO: Mohamed Salah Oo Koorne Si Toos Ah Gool Ugu Dhaliyay Xulkiisa Masar Iyo Dhaawac Soo Gaadhay Oo Liverpool Walaac Ku Abuuray.

Xidiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka soo muuqday kulankii uu xulkiisu Egypt xasuuqa wayn u gaystay Swaziland kaas oo ka tirsanaa isreeb reebka koobka qaramada Afrika laakiin Mohamed Salah ayaa kulankan waxyaabo kala duwan dareenka ku qabsaday.

Mohamed Salah ayaa xulka qarankiisa Masar u soo tuuray koorne wuxuuna si toos ah ugu dhaliyay gool balse waxaa jamaahiirta kooxda Liverpool walwal wayn ku abuuray kadib markii ay ogaadeen in Mohamed Salah uu dhaawac ku soo gaadhay kulankii Swaziland .

Jurgen Klopp oo si wayn uga walwalsanaa xaalada ciyaartoyda kooxdiisa Liverpool isla markaana weerar ku qaaday tartanka UEFA Nations League ayaa hadda helay war aan fiicanayn oo qaarada Afrika ah kaas oo ah in Mohamed Salah dhaawac looga saaray kulankii Swaziland .

Taabasho kasta oo uu xili ciyaareedkii hore Mohamed Salah u sameeyay Liverpool ayaa dahab u ahayd laakiin xili ciyaareedkan waxa uu ilaa hadda saddex gool oo kaliya ka soo dhaliyay siddeedii kulan ee Premier League ugu horeeyay isaga oo aan dib u helin qaab ciyaareedkiisii dabka ahaa balse in uu dhaawac soo gaadhay isaga oo aan xaalad fiican ku jirin ayaa ah waxa walwalka ugu badan keenaya.

Mohamed Salah ayaa murugo garoonka la dhex fadhiistay kadib markii uu ogaaday in aanu sii wadan karin kulankii Swaziland laakiin ilaa hadda lama oga inta uu leeg yahay dhaawaca soo gaadhay Salah waxayna Liverpool sugaysaa in ay war ka hesho shaqaalaha caafimaadka Masar oo qiimaynta ugu horaysa samayn doona.

Liverpool ayaa kulamo adag soo ciyaartay wuxuuna Salah ka mid ahaa ciyaartoyda nasiinada u baahan balse safarkii uu ku tagay Afrika iyo in uu ka soo muuqday waajibaadka xulka qarankiisa ayaa keenay in uu dhaawac soo gaadhay taas oo madax xanuun kale ku ah Klopp oo doonayay in kooxdiisu ay kulamada caalamiga ah kadib xaalad fiican gasho.

Halkan ka daawo muuqaalka qaabkii waalida ahayd ee uu Mohamed Salah sida tooska ah koorne ugaga dhaliyay goolka xulkiisa Masar.

Wixii warar ah ee ka soo kordha dhaawaca Mohamed Salah ku soo gaadhay kulankii uu xulka Masar 4-1ka ku garaacay Swaziland  waxaad insha Allah kaga bogan doontaan wararkeena soo socda isla marka ay warar cusubi ka soo kordhaan.