DAAWO: Jamaahiirta Iyo Ehelkii Ciyaartoydii Kooxda Ree Brazil Ee Chapecoense Ee Shilka Diyaaradeed Ku Geeriyooday Oo Iskugu Soo Baxay Garoonka Kooxda Si Ay Murugada Iskula Qaybsadaan Iyo In Ay Xusaan Musiibadan

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Nov 29, 2016

Ehelkii, qaraabadii  iyo taageerayaashii kooxda ree Brazil ee Chapecoense ee ay diyaaradu kula burburtay dalka Colombia ayaa iskagu soo baxay garoonka kooxdan si ay ugu baroor diiqaan ciyaartoydii kooxda  Chapecoense ee ku geeriyooday shirkan diyaareedeed ee musiibada wayn ku noqday kubbada cagta aduunka. Kooxdan  Chapecoense oo la barbar dhigay wacdarihii ay kooxda Leicester City xili ciyaareedkii h--e samaysay oo finalka  Copa Sudamericana u soo baxday ayaa la kulantay arin kubbada cagta aduunka gilgishay.2

Kooxda ree Brazil ee Chapecoense ayaa markii ugu horaysay taariikhdeeda u soo baxday finalka  Copa Sudamericana waxayna la ciyaari lahayd kooxda Atletico Nacional balse wax kastaaba waxay isku badaleen musiibo wayn markii 76 qof oo ka mid ay 81 qof oo saarnaa diyaaradani ay ku dul burburtay Colombia isla markaana ay 5 qof oo kaliyi ka badbaadiyeen.3

Jamaahiirta kooxda musiibadu ku dhacday iyo dadka ay ciyaaartoydu ehelka u ahaayeen ayaa markiiba iskugu soo baxay garoonka kooxdan ee  Arena Conda stadium si ay murugada iskula qaybsadaan isla markaana xus ugu sameeyaan dhacdadan aduunka oo dhan laga dareemay ee burburka diyaarada kooxda dhan siday ee burburtay.1

4

Inta ugu badan ciyaartoydii kooxda kowaad ee Chapecoense ayaa ku geeriyooday shilkan diyaaradeed waxayna kooxda Chapecoense taageero ka helaysaa kubbada cagta aduunka oo dhan iyada oo kooxaha iyo dadka magaca ku leh kubbada cagtu ay si wayn uga hadleen arintan halka kooxda Atletico Nacional ee finalka ay wada ciyaari lahaayeen ay soo jeedisay in koobkan lagu abaal mariyo kooxda musiibadu ku habsatay ee Chapecoense.

Chapcoense supporters gathering in front of the Arena Conda stadium

Chapcoense supporters gathering in front of the Arena Conda stadium

Halkan ka daawo muuqaalka boqolaalka qof ee Iskugu soo baxay garoonka kooxda Chapecoense:

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. layaab ma dhamaado 29-11-2016 at 10:17 pm - Reply

    dee adeer way cawryeen malaa oo ay weliba si weyn ula heleen ilayn leisesterba way sigatay oo keliya waxay kala heleen cawridii inaanay ciyaar danboo wanaagsan dib usoo roganine

Leave A Response