DAAWO: Jamaahiirta Chelsea Oo Si Wayn Uga Walwalay Markii Ay Arkeen Muuqaal Ay Eden Hazard Lugtu U Duuban Tahay Ka Hor Kulanka Tottenham.

by Mohamoud Batalaale | Friday, Apr 21, 2017

Jamaahiirta kooxda Chelsea ayaa walaac wayn baraha bulshada kaga muujiyay kadib markii uu soo baxay muuqaal uu Eden Hazard dhex joogo xarunta tababaka kooxdiisa Chelsea ee  Cobham training ground balse uu jilibka midig u duuban yahay sidii uu dhaawac ka qabo. Iyada oo Chelsea isku diyaarinaysa kulanka afar dhamaadka FA Cupka ee ay Wembley Stadium kula ciyaari doonto Tottenham ayay jamaahiirta Blues ka naxeen in ay arkaan Hazard oo walax caddaan ahi lugta ugu duuban tahay.

Chelsea ayaa si wayn ugu soo dhibtootay kulankii Manchester United ee ay kooxdeeda ka maqnaayeen Thibaut Courtois iyo Marcos Alonso waxayna jamaahiirta Blues ka walwalsan yihiin in kulan sida Tottenham muhiim kooxdooda ugu ah in Hazard uu taam buuxa noqon waayi karo.

Jamaahiirta Chelsea ayaa markiiba barta twitterka walwalkooda ku soo bandhigay waxayna isku waydiiyeen haddii uu Hazard dhaawac soo gaadhay. Sidoo kale Chelsea iyo Tottenham ayaa ku tartamaya koobka Premier leaque-ga iyada oo labada kooxood ay afar dhibcood oo kaliya kala sareeyaan.

HandfulHazard oo ka mid ahaa dadkii markiiba arkay waxa jilibka ugu duubnaa Hazard ayaa soo qoray: ” Waxay u muuqataa in Hazard uu dhaawac soo gaadhay iyad aoo bandhayj uu lugta midig ugu xidhan yahay. Waxaan ka walwalayaa sabtida”. Halkan ka daawo muuqaalka kooban ee jamaahiirta Blues ka walwalsiiyay,Halkaan Laacibtv.net ka daawo muuqaalkaas 

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments