DAAWO: Habeenkii Taariikhda Chelsea Ugu Waynaa Oo Ay Ka Soo Wareegtay Shan Sano Maanta Oo Kale Iyo Xusuusta Blues Ee Kulankii Finalka Champions Leaque-ga Ee Bayern Munich.

by Mohamoud Batalaale | Friday, May 19, 2017

Qofkasta oo Chelsea ku xidhan isla markaana qayb ka ah qoyska Blues waxay maanta oo kale u tahay xusuus khaas ah, waxayna soo qaateen habeenkii tariikhooda kubbada cagta ugu xusuusta badnayd. Chelsea ayaa May 19,2012 ku guulaystay koobkeedii abid ugu horeeyay ee Champions Leaque-ga kadib markii ay rekoodhayaal 4:3 ah ku garaacday kooxda Bayern Munich.

Bayern Munich ayaa ahayd kooxda koobka ugu cad cadayd ee la filayay in ay ku guulaysanayso waxayna sidoo kale ahayd kooxda bandhiga ugu layaabka badnaa garoonka ka samaysay ee fursado aan tiro lahayn garoonka ka samaysay. Petr Cech ayaa intii ay ciyaartu socotay rekoodhe ka badbaadiyay Arjen Robben si uu kooxdiisa ciyaarta ugu sii hayo.

Laakiin Thomas Muller ayaa gool madax ah u dhaliyay Bayern Munich taas oo Blues ku abuurtay walaac ahaa in ay markale seegayso koobka Champions Leaque-ga laakiin halyaygii Chelsea ee Didier Drogba ayaa markiisa gool madax ahaa ugu barbareeyay Chelsea si uu ciyaarta uga dhigo barbaro 1:1 ah.

Balse ugu danbayn markale Didier Drogba ayaa noqday geesiga Blues taariikhdan u abuuray kadib markii uu dhaliyay goolkii rekoodhaha ahaa ee kulankan sida rasmiga ah u go’aamiyay.

Haddaba xusuusta finalka Champions leaque-gii ay Chelsea taariikhdeeda ku samaysay, wacdarihii Bayern Muninich iyo Didier Drogba ee kulankaas iyo goos gooskii halkan Laacibtv.net ka daawo.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments