Daawo: Goolasha,Farsamooyinka Iyo Caawinta Xiddiga Ay Ku Dhawdahay Kooxda Arsenal Ee Lucas Torreira

Kooxda Arsenal ayaa kooxda Sampdoria kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Lucas Torreira kaas oo uu tababare Unai Emery si aad ah u doonayo.

Gunners ayaa miiska saartay Lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga khadka dhexe ee daafaca iyada oo waliba 5 milyan u raacisay kooxdiisa.

Haatan kooxda ayaa wakiilka xiddiga kala hadlaysa heshiiska shaqsiga ah waxana laga yaabaa in ay saxiixiisa dhamaystirto kadib koobka adduunka marka uu xulka qarankiisa Uruguay kala qayb galo tartanka.

Hadaba waxa aan muuqaalkan ku soo bandhigi doonaa goolasha,caawinta iyo farasamooyinka uu xiddigu ku soo kordhin doono Gunners Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan