Daawo: Gabriel Paulista Oo Ceebaystay Alexis Sanchez ilaa Isaga Ayaa U Qaadan Waayay Waxa UU Gabriel Sameeyay

by Abdiweli Adan Jamac | Saturday, May 20, 2017

Daafaca kooxda Arsenal ee Gabriel Paulista ayaa tababarka kaga yaabsaday xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Alexis Sanchez kadib markii uu xirfad cajiib ah ku ceebaystay.

Xilli ay kooxda Arsenal qaadanaysay tababarkii ay isugu diyaarinayeen kulankooda ugu dambeeya horyaalka ayuu Gabriel Paulista ceebaytay Alexis oo xitaa isagu isku qosalay.

Sanchez ayaa ku soo orday Gabriel Paulista oo haysta kubada isaga oo islahaa ka qaad laakiin Gabriel ayaa farsamo cajiib ah labada lugood ee Sanchez uga dhex saaray kubada Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan