DAAWO: Douglas Costa Oo Afar Ficil Oo Doqoniimo Leh Kana Baxsan Anshaxa Kubbada Cagta Kula Kacay Xidiga Sassuolo Ee Di Francesco.

Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Juventus ee Douglas Costa ayaa ku kacay falal anshax xumo wayn ah kuwaas oo gabi ahaanba ka baxsan kubbada cagta kadib markii uu saddex dhacdo oo xidhiidh ah ku sameeyay xidiga kooxda Sassuolo ee Di Francesco kaa soo naftiisa xakameeyay halkii uu dhibaato wayn abuuri lahaa haddii uu sida Costa ka falcelin lahaa waxa lagu sameeyay.

Cristiano Ronaldo ayaa labadiisii gool ee ugu horeeyay Juventus u dhaliyay laakiin kooxda Sassuolo ayaa hal gool keensatay balse kadib goolkan waxaa isku dhacay Douglas Coasta iyo Di Francesco balse ficilada uu sameeyay xidiga ree Brazil ayaa jamaahiirta kubbada cagta aduunka ka yaabisay iyada oo markiiba kumanyaal fariimo ah lagu wadaagay baraha bulshada.

Douglas Costa ayaa xidiga kooxda Sassuolo ee Di Francesco iskugu daray qalad uu dhulka ugu riday, laakiin markii uu soo kacay waxa uu si badheedh ah ugu dhuftay suxulkiisa ama jiqilkiisa waxaana la siiyay kaadhka digniinta ah oo kaliya.

Laakiin Douglas Costa ayaa naftiisa ceeb wayn u soo jiiday kadib markii uu si aan la rumaysan karin uu wajiga candhuuf kaga tufay xidiga kooxda Sassuolo ee Di Francesco wuxuuna sidoo kale garsooraha oo arkaya isla markaana kala qabanaya uu madaxa ku herdiyay xidigan taas oo keentay in xidiga ree Brazil oo ceeb dhex hoganaya kaadhka cas ciyaarta looga saaray.

Waxyaaba layaabka leh waxaa ka mid ahaa in xidiga kooxda Sassuolo ee Di Francesco aanu samayn aar goosi iyo in uu filo la mid ah kula kaco Douglas Costa waxayna arintani noqotay mid ka hadal hayn badan guushii ay Juvnetus ka gaadhay kooxda Sassuolo  iyo waliba goolashii uu Ronaldo dhaliyay.

Fariimaha baraha bulshada ee looga hadlay Douglas Costa ayaa boqolaal kun gaadhay iyada oo jamaahiirta kubbada cagtu ay dareen iyo cadho wayn ka muujiyeen. Halkan ka daawo dhacdooyinkii layaanka lahaa ee uu Douglas Costa kula kacay xidiga Sassuolo ee Di Francesco.

Di Francesco ayaa la kulmay falal anshax xumo oo xidhiidh ah waxayna Douglas Costa u keentay in isaga oo markii hore kaadhka digniinta ah oo kaliya ku qaatay ficilo xun oo uu sameeyay in uu sii watay ilaa intii kaadhka cas ciyaarta looga saarayay.